“Madaxweyne Muuse Biixi Waa Shaqsi Mar Walba Jecel Garnaqsiga iyo In Aan Laga Gar Helin, Hadii Wax Walba Ku Xumaanayaan”.Siyaasi Mustafe Shiine | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Muuse Biixi Waa Shaqsi Mar Walba Jecel Garnaqsiga iyo In Aan Laga Gar Helin, Hadii Wax Walba Ku Xumaanayaan”.Siyaasi Mustafe Shiine
April 23, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo maroodi jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si weyn uga hor yimi heshiiskii ay maanta Xisbiyada KULMIYE iyo UCID kawada gaadheen arimaha doorashooyinka.

Sidoo kale Siyaasi Mustafe Shiine ayaa dhaliiley Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo sheegay in aanu ahayn shaqsi tanaasulka yaqaan,islamarkaasina uu yahay nin mar walba jecel garnaqsiga iyo in aan laga gar helin, haddii wax walba ku xumaanayaan.

Siyaasi Mustafe Shiine oo qoraal kooban oo uu arintaasi kaga hadlayo soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga oo ay soo xigatay Shabakada Wajaalenews ayaa u dhignaa sidan:-

“Tii xukuumad ahayd awalba is indho tir iyo dhega la’aan waanu ku ogayne, saaka ma caqli xumo ayay ku darsatay.

Nasiibdarada ugu weyni waa haddii odaygii reerka ugu waynaa marka ubadkiisa la weydiiyo dhaliishiisa ee ay isku raacaan “wax iska celin mooyaanee tanaasulkaba ma yaqaan “.

Rayalcaamka dadka rogroga doodaha qabsoomida doorashooyinka ayaa tan iyo markii ay safiirada dalalka inaga caawiya doorashooyinka, isla markaana gacanta ka gaysta mashaariicda horumarineed ee dalka ku kala aragti duwanaa waxa ay xukuumaddu ka yeelayso werwerka ay safiiradaasi ka muujiyeen qabsoomid la’aanta doorashooyinka Wakiilada iyo deegaanka,kuwaasi oo gogol xaadh u sii ah in tan madaxtooyaduna ku qabsoomi weydo xiligeeda.

Dadka arrimahaasi faalaynayay ayaa intooda badani aanay marna ku kalsoonayn in xukuumaddu ay qaadanayso doorkeedii hogaamineed oo ay fududeynayso “car iyo wirtan” dhex taal iyaga iyo xisbiga Wadani ee ah kan helay cododka in ku dhaw boqolkiiba konton, maadama ay xukuumaddu tahay tan ay saaran tahay masuuliyada hogaamineed ee dalkan iyo dadkan.

Waxa falanqeeyayaasha mawduucan ay doodooda ku tiirinayeen in Madaxweyne Muuse Biixi aanu ahayn shaqsi tanaasulka yaqaan,islamarkaasina uu yahay nin mar walba jecel garnaqsiga iyo in aan laga gar helin, haddii wax walba ku xumaanayaan.

Sidoo kale waxa shacabka arrintaa qaba ay aamin san yihiin in xukuumaddu aanay arrintan marnaba u aqbali karin dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin.:-

* Golaha wakiilada oo in ka badan 52 xildhibaan ay KULMIYE yihiin.

* Komishanka hadda jira oo ay kalsooni badan ku qabaan.

* Dib u dhaca doorashada golayaasha kale oo sahlaysa in tan madaxtooyaduna ay dib u dhacdo.

* iyo in loo arkaayo haddii ay komishanka bedelaan in tii ay ku yimaadeen aanay xalaal ahayn.

Dhinaca kale waxa jira in dib u dhaca iyo xal la ‘aanta arrintani ay qayb ka mid ah bulshadu ku cambaaraynayso xisbiga WADANI, kaasi oo ay u arkaan in uu u qabo komishanka hadda jooga cadho ka dhalatay doorashadii laga helay, taasina ay tahay sababta ay isku adkeynayaan, doorashadiina ay dib u dhacayso, halka qayb ka mid ahi ay aaminsan yihiin inay tahay in WADANI ka tanaasulo kala dirida komishanka oo ay ku dedaalaan sidii loo suurto gelin lahaa xildhibaano fadhiista aqalka wakiilada oo ah xul hor istaagi karaya mashaariicda xukuumadda ee sida durdurada ah maalin walba ku dhaafa golahaasi dhaameelka noqday.

Si kastaba xaalku ha noqdee waxa hubaal ah in bulshadu ay quruxda iyo hogaaminta ummaddani u dooratay madaxweynaha, kaasi oo laga filaayay inuu isu dhigo waalid oo uu hadba dabciyo xadhiga ay jiidaan mucaaridkiisu oo aanu la sugin inta xadhiga isku kaaya haya uu go-aayo, waxana xaqiiq ah in aanay dalka ka qabsoomayn doorasho uu ku maqan yahay xisbiga WADANI.

Haddii aan islaantii ku ogayn indhola’aan hadeer dad qaladnimo ayay ku darsatay ayuu xaalkii Somaliland marayaa.”.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS