Sharciga Ha Loo Sinaado!W/Q; Muhumed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sharciga Ha Loo Sinaado!W/Q; Muhumed Dhimbiil.
April 23, 2019 - Written by Editor:

Inta la og yahay ilaa maanta aduunka dawladnimo maamul wanaag, cadaalad iyo sinaan ku dhisan aduunka soo martay waxa jiray dawladihii islaamka , waxaana tusaale loo soo qaataa Cumer Binu Khadab ( IRH ) iyo cahdigii uu ahaa khaliifka islaamka ahaa.

Laba qiso oo cibro qaadasho inoogu filan ayaan idinla wadaagayaa oo ay ka mid tahay ninkii boqortooyada Room u soo dhiibtay warqada ee ay ku yidhaahdeen u gee hogaanka muslimiinta ee markii uu yimid deegaankii islaamku deganaa sida uu marba qof u weydiinayey amiirkii islaamka loo tilmaamay isaga oo kaligii geed iska hoos hurda ee yaabay !!!

Ninkaasi waxa uu u qaadan waayey ninkii islaamka oo quwad adag ahaa u talinayey ayaa kaligii geed iska hoos hurda isaga oo aan cidina ilaalinayn , waxaana ay taariikhdu xustaa in uu qisadaa awgeed ku muslimay , arinkaasina waxa uu ku suuragalay intii qof binu-adam ahi in uu Cadaalad sameeyo uu sameyn karayey ayuu Cumer Binu Khadab ( IRH ) sameeyay taasi ayaana sababtay in uu nabadgalyo kaligii geed hoos seexdo.

Qiso kale ayaa iyaduna ahayd isla wakhtigaa uu hogaanka islaamka hayey Cumer Binu Khadab (IRH) oo ahayd in ciidankii islaamku soo heleen oo soo furteen qaniimad , waxaana ay ahayd go’yaal oo ahaa dharka la xidho wakhtigaa sida aan ku maqlay, dabadeed markii la qaybsaday qaniimadii ayaa waxa ay u gaadhay asxaabtii qof iyo hal go .

Intaa ka dib Cumer Binu Khadab  ( IRH )  ayaa soo istaagay  minbarkii uu kala hadli jiray asxaabta oo uu uga qudbadayn jiray , waxa la sheegaa in marka uu hadlayo aan cidi hadli jirin ee aad loo dhagaysan jiray hadalkiisa laakiin ay maalintaasi ka duwanayd oo la dhagaysan la’aa  hadal iyo guuxna socday isaga oo hadlaya , wuu ogaaday oo wuu yaabay ! .

Dabadeed hadalkii ayuu joojiyey waxaana uu waydiiyey ciidamadii islaamka waxa dhacay ee loo dhagaysan waayey hadalka iyo guuxana keenay ?

Si deg-deg ah ayey uga jawaabeen oo waxa ay yidhaahdeen amiirkii muuminiintoow waxa aynu soo furanay qaniimad waxaana ay inoo gaadhay qof iyo hal go , adiguna waxa aad xidhan tahay laba go ee sidee ay ku dhacday?

Isaga oo aan jawaabin Cumer Binu Khadab  ( IRH ) ayaa waxa soo kacay wiilkiisii Cabdilahi Binu Cumer  ( IRH ) oo soo istaagay ciidamadii islaamka isaga oo aan haysan wax go’ ah , waxaana uu u sheegay in uu isagu siiyey aabihii Cumer Binu Khadab go’iisii maadaama oo uu aabihii aad u xoogwaynaa go’a Kali ahina aanu ku filnayn oo uu labada go’ halkaa ka keenay amiirka muuminiintu.

Markaasaa la fahmay oo si wanaagsan loo dhagaystay markii la arkay cadaaladii, hogaan wanaagii iyo sinaantii uu Cumer ku hogaamin jiray islaamka oo aan waxba iska badelin lagana dareen saaray waxii ay diideen ciidamadii muslimiinta ee halkaa joogay.

Haddaba maanta ma isweydiisay waxa madaxda aduunka gaal iyo islaamba kalsooni darada ku riday ee ay u samaystaan askarta iyo ciidamo badan oo ilaaliya? Jawaabta waxa aynu ka helaynaa qisadii ninkii risaalada u siday amiirka muuminiintu ku islaamay ee uu arkay Cumer Binu Khadab oo geed hoostii hurda.

Hadii aan u soo noqdo dulucda qoraalkayga madaxda ina hogaamisaa iyagu sharciga ha iska bilaabaan oo ha ka bilaabaan kuwa ganacsatada ah ee labagacmoodiyey danaha guud si ay umadda ay hogaaminayaan u qaadato sharciga oo loo arko mid dadka oo dhan si siman u wada qabanaya oo cadaalad ah , isla markaana faqiir iyo taajir madax iyo mijo ugu Wada danaynaya.

Laakiin hadii Madaxweynaha oo haysta guri dawladeed 28 sanadood , Beerta uu beertaana ay tahay beer dawladu lahayd oo uu hore u munaafacaadsan jiray Alle ha u naxariisto e Cisman Dacas uu dadka masaakiinta ah ee dabada meel ay dhigaan aan haysan ku yidhaahdo qarankaa u baahday halkaad daganaydeen , wax la aqbali karo maaha ee waa in meel ay dagaan dadka la siiyaa.

Iyada oo waliba aynu ognahay in qoorwayntii dalka aan danaha guud laga soo gaadhin hadii ay ganacsato tahay iyo hadii ay siyaasiyiin yihiinba oo uu ninba ninka uu ka tunka waynaa isku balaadhiyey waxii ay umaddu Wada lahayd oo aan cidna ka qarsoonayn.

Dalku wuu u baahan yahay madaxtooyo ha yeeshee waa marka baahiyo badan oo ka daruurisan la daboolo , in meel wanaagsan oo la inaga maamulo la dhiso markaa waan soo dhaweynaynaa oo waanu ka qayb qaadan doonaa dhismaha guriga umadda looga talinayo.

Allahayoow eex ma tiraabine ,

Aqoondaro ha igu cadaabin

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS