Maxay tahay sababta jilaaga caanka ah ee Sunny Deol uu ugu biiray siyaasadda? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay tahay sababta jilaaga caanka ah ee Sunny Deol uu ugu biiray siyaasadda?
April 24, 2019 - Written by Reporter:

Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood, Sunny Deol ayaa salaasadii ku biiray xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP).

Atoorahan siyaasiga isku baddalay oo kasoo jeeda magaalada Gurdaspur, oo ka tirsan gobolka Punjab ayaa u tartami doona inuu xisbiga musharrax ugu noqdo xilka kursiga baarlamaanka, waxaana booskaas kula loollamaya Kirronkher oo kasoo jeeda Chandigarh.

.

Jilaaga ayaa tallaabo u qaaday inuu kasoo jeesto xisbiga talada haya, isagoo raacaya raadkii aabihii Dharmendra.

“Sida uu aabahay Dharmendra ula saftay Vajpayee ayaan aniguna ula safanayaa Modi”, ayuu yidhi mar uu ka hadlayay sababta uu u qaatay go’aanka ku saabsan inuu siyaasadda ku biiro.

“Wax badan ayuu Modi u qabtay dalka wuuna nasii hormarin karaa. Waddanku wuxuu u baahan yahay hoggaamiye isagoo kale ah”.

Sunny Deol, oo hadda 62 sano jir ah ayaa sheegay in howl walba oo uu qabanayo inta uu siyaasadda ku jiro ay noqon doonto mid qalbigiisa kasoo go’day.

Wasiirka gaashaan dhigga, Nirmala Sitharaman, oo jilaagan kusoo dhaweynayay siyaasadda ayaa yidhi: “Waan ku faraxsanahay inaan xisbiga BJP kusoo dhaweeyo jilaagan caanka ah, howlkarka ah, geesiga ah, isagoo da’ yarna xirfaddiisa ay heer sare ahayd”.

Hoggaamiyaha xisbiga, Piyush Goel, oo isagana dib u milicsanayay sida ay qoyska Deol usoo garab istaageen xisbigan ayaa soo hadal qaaday sida uu aabihii isagoo xanuunsan u aqbalay inuu u tartamo kursiga baarlamaanka ee Bikaner, sannadkii 2004-kii, uuna si weyn ugu guuleystay.

.

Guul ayaa u rajeeyay Sunny Deol inuu waayo fiican ku qaato siyaasadda.

Sunny Deol aabihii, Dharmendra ayaa kursiga baarlamaanka u matalayay magaalada Bikaner ee gobolka LokSabha, intii u dhaxeysay sannadihii 2004-tii ilaa 2009-kii.

Doorashadan hadda socota, Dharmendra wuxuu dhowr jeer fagaareyaasha kasoo muuqday isagoo u ol’oleynaya xaaskiisa Hema Malini, oo hadda ah xildhibaanka magaalada Mathura.

Deol, waxa uu madaxweynaha xisbiga BJP oo lagu magacaabo Amit Shah la kulmay wiigii lasoo dhaafay.

Sunny Deol ayaa xirfaddiisa jilitaanka filimada ee shirkadda Bollywood-ka kusoo jiray muddo ka badan 30 sano, wuxuuna dadka filimada daawada ku reebay xasuus lama illoobaan ah.

Filimadiisa ugu caansan waxaa ka mid ah Betaab, Border, Damini, Gadar iyo Ghayal.

Jilaagan ayaa hadda sugaya in lasii daayo filim uu dhawaan dhameystiray oo lagu magacaabo Blank, kaasoo uu ku matalay sarkaal madax u ah ciidanka la dagaallanka argagixisada.

Dhammaan 13-ka kursi ee baarlamaanka gobolka Punjab ayey doorashadooda dhici doontaa 19-ka bisha May ee soo socota, waana wajiga ugu dambeeya ee doorashada dalka Hindiya.

Natiijada waxaa lagu dhawaaqi doonaa 23-ka isla bisha May, xilligaas oo la ogaan doono in Sunny Doel uu kursigaas ku guuleystay iyo inkale.

Jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Govinda ayaa hore ugu biiray baarlamaanka Hindiya, inkastoo markii dambe uu ka baxay siyaasadda, isagoo u sababeeyay inay tahay meel lagu caajiso oo aan dhaqaale fiicanna laga helin.

Govinda ayaa la sheegaa in aanu ka qeyb gali jirin kulamada baarlamaanka, wuxuuna sida lagu dhaliilo aqalka kasoo muuqday dhowr jeer oo kaliya.

COMMENTS
LINKS