Booliiska Oo Dacaayad Laga Sameeyaa, Waxay Tahay Aynu Is Boobno Fawdo Dalku ha Galo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliiska Oo Dacaayad Laga Sameeyaa, Waxay Tahay Aynu Is Boobno Fawdo Dalku ha Galo!
April 24, 2019 - Written by Editor:

Waan salaamayaa asxaabta sharafta mudan. Waxaan Maalmahan ku arkaayay dhalinyaro aad u yaryar oo aan 20ka gaadhin oo aan fahansanayn dawladnimada. Waxay niyada ku haystaan tahriib oo ah in wadamada reer galbeedku yihiin jano iyo in booliiska wadamadaasi dadka lacag siiyo cajiib.

 Waxaan hadda ku noolahay 24 sanadood dalalka reer galbeedka noloshayda intii u badnayd waxaan ku noolaa yurub. Booliiska yurub wuxuu haystaa awood qabasho cid walba oo ay ka shakiyaan, suuqa haddii aad marayso oo ay kaa shakiyaan way ku joojinayaan wax ale wixii ay ku waydiiyaan waa in aad ka jawaabtaa xitaa haddii ay 20 saacadood ku qaadanayso in ay dantooda ku dhamaysanayaan, haddii aad muujin waydo wada shaqayn ama debacsanaan waxay xaq u leeyihiin in ay ku dilaan oo adiga oo dhaawac ah lagu xidho.

 Waraaqaha warrant off arrested warqada soo qabashadu waa kiisaska madaniga ah ee aan khadarta ku ahayn bulshada, laakiin qofkii looga shakiyo fal-dambiyeed halkiisa ayay ku qabanayaan ama guriga ayay jabinayaan ama guriga xaggiisa sare ayay ka soo dhacayaan iyaga oo dhamaan toogan kara qoyska oo dhan waa haddii aanay maqlin dhawaaqa ciidanka booliiska. Askartaasi waxay la mushahar yihiin wasiirada dalalkooda.

Booliska somaliland ee qaada 100 dollar 48 hours shaqada ku jira dantiisii u huray in aad habeenkii nabad ku seexadaan oo ku shaqaysadaan caruurtiinu iyaga oo nabad ah waxbarashadooda gudanayaan, waxaa ceeb idinku ah in aad ceebaysaan oo been ka sheegtaan. Muuse biixi iyo dawladiisa way ka madaxbanaan yihiin ciidanka somaliland booliiska, milatary ka, asluubta iyo ciidanka baddo waa hanti qaran maaha in la siyaasadeeyo.

Dhalinyarada aan ogayn wixii dalkan soo maray iyo dhibtii loo soo maray nabadayntii lagu dhisay ciidanka qaranka iyo hub ka dhigistii. Maalintii garoonka Hargaysa hubkii ugu horeeyay beeli keento waxay noo ahayd farxad dhalintaydii xiligaa waan xasuustaa ciidan beeleedkii Arab ayaa bilada qaranimo qaaday wayna ku suntan yihiin taariikhda nabada somaliland

Dhalinta maanta wax walba iska share karaynaysaa waar waxan dad qaranimadiina diidan ayaa faafinaaya oo idiin adeegsanaaya duminta qarankiina. Ciyaalka yaryar ee ka baxay jaamacadaha somaliland ee dhawrka buugg akhristay ee isu haysta in ay yihiin aqoonyahan aduunka fahansan been ayaad naftiina u sheegtaan

Ilbaxnimada, horumarka iyo xadaaradu waxay ka bilaabmadaa nabada iyo sida amniga dalkaas la isugu halayn kara

Haddii aad hayadihii amniga ka shaqaynaayay aflagaado iyo cay ku haysaan saw maaha dadku hubka gacanta ha u galo.

 Way dhacaysaa in booliisku khalad galo waa run laakiin qaabka iyo hanaanka cabashada kiiska xad gudubka ah ha loo maro, laakiin yaan booliiska oo dhan la caayin. Anigu waxaan indhahayga ku arkay askari gabadhi candhuuf ku tuftay oo uu iska dhaqaaqay.

Waad mahadsan tihiin

Qalinkii; Cabdirasaaq Cali Ismaaciil.

 

COMMENTS
LINKS