Heshiiska Labada Xisbi Ee Kulmiye Iyo UCID Go’Aan Siyaasadeysan Oo Lagu Deg-Degay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Heshiiska Labada Xisbi Ee Kulmiye Iyo UCID Go’Aan Siyaasadeysan Oo Lagu Deg-Degay!
April 25, 2019 - Written by Editor:

Taladda halkeedi ha lagu soo celiyo haddii la doonayo in doorashooyinku waqtigoodi ku qabsooman,….

Shalay ayaa Labada xisbi ee Kulmiye Iyo UCID , Waxa ay shaaciyeen in uu Gabi-ahaanba uu fashilmay shirkii mudo sanad ah u socdey sadexda xisbi qaran ee Somaliland , sidaas awgeed-na ay labadda xisbi UCID iyo Kulmiye oo keliya ay gaadheen heshiis rasmiya oo ka kooban lix qodob, Iyadoo xisbiga WADDANI ay ka maqan-yihiin heshiishkani ay gaadheen labadaasi xisbi, taasi oo ay dhawr jeer ku kala kaceen xisbiyadu kulamo ay yeesheen, sababta uu xisbiga WADANI ugu biyo diiday markasta, kuna dooday ayaa ahayd , in marka hore la kala diro komishanka hadda shaqaynaaya iyo in la kordhiyo xubnaha komishanka doorashooyinka.

heshiiskani shalayna Maaha markii ugu horaysay ee ay yidhaahdan Ucid Iyo Kulmiye doorasho ayaanu wada galaynaa, Balse waa markii labaad laakiin Go’aan gaadhis deg-deg ah , sidoo kale marka eegto tageeradda shacabka iyo sharciyada dalkaba. Lknse suaashu waxay tahay , doorasho uu xisbi qaran ka maqan-yahay suurta-gal ma tahay inay dalka ka dhici karto,

Hadaba marka loo eego Qodobada heshiiskan labada xisbi oo keliya ay galeen , Ayaa ah kuwo horseedaaya sidii doorashadu aanay ugaba dhici Lahayn Somaliland , xitaa si lagu wada kalsoon-yahay laakiin markii loo fiiryo guul-darrooyin la xidhiidha Heshiis la,aanta xisbiyadda Qaranka  iyo dhinaca Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo laga rabay inuu go’aan ka qaato waxii arrimaha doorashada ku saabsan , Siiba in uu isagu tanaasul ka sameeyo. iyadoo iminka xaaladu ku sii siqayso meel aan arimaha doorashooyinka aan cidi isu joojinayn.

Markaan dib ugu noqono Madaxweynayaashii Rayaale iyo Siilaanyo. markay timaado xaalad ama cakirnaaba , waxay ku ku soo dabaali jireen Garnaqsi, Talo-wadaag iyo Isu-tanaasul.

Laakiin haddana markaad eegto dib-u-dhacyada iyo kordhinaha inagu soo socda, dee quruumaha dunida ayaa runtii inala yabaaya haddii aan la nimaadno “Heshiis waraabe u taag ah” . Dareenka kala duwan ee Bulshadda Somaliland waxaa uu noqonayaa heshiis siyaasadeysan oo lagu deg-degay ama arin oo loo dhameyn.

Dadkuna way ka daaleen dibu-dhicid doorasho iyo muddo kordhin aan xadba lahayn. Ogow, waa xiisaha nolosha in isbedel kolba yimaado. Qaar ka mid ah dadka Somaliland waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin heshiiska cusub ee labada Xisbi oo keliya ku kooban, waxayna sheegeen in lagu degdegay iyo  curyaamin doorasshooyin dalka oo waqtigoodii ka dhici lahaa.

Waxay tani ina tusaysaa tabcooyinka heshiisyada u dahsoon xukuumadda Iyo danaha laga yeelan-karo dibu-dhacyada doorashooyinka Somaliland. marka la fiiriyo waqtiga doorashada ka hadhay, hawlaha qabyada ah ee ku xidhan, Ayey dadka arrimaha siyaasadda ka faallooda waxay qabaan in taasi ay ku hoos jirto in xukuumaddu ay doonayso :  In doorashooyinka golayaasha degaanka iyo baarlamaanku dib u dhacaan si loogu helo muddo kordhin qorshaysan.

GEBA GEBO;

Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Muuse Biixi inuu awoodiisa sharci ku faro-galiyo arimaha ay doorashadu u xaniban-tahay ayna tahay isaga masuuliyadiisa in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyinku. waxaase xilka iyo waajibaadka dastuuriga ah ka saaran yahay waa madaxweynaha inuu sugo qabsoomida doorashooyinka dalka xiligii loo qorsheeyay iyo Nidaamka doorashooyinka dimuquraadiyada loo maraayo ama ay ku salaysantahay, taasina  waxa dooratay bulshada reer Somaliland, una igmaday Madaxdooda inay taabo galiyaan. waxaan leenahay “Taladda halkeedi ha lagu soo celiyo haddii la doonayo in doorashooyinka waqtigoodi ku qabsooman”.

QALINKII; Adan Yusuf Elmi

COMMENTS
LINKS