Doodaha & Wax Is Weydiintu Waa Ilbaxnimo Iyo Horumar! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doodaha & Wax Is Weydiintu Waa Ilbaxnimo Iyo Horumar!
April 27, 2019 - Written by Editor:

Somaliland waxa muuqata rajo wanaagsan , marka la doodo ee la is dhageysto ee la rog-rogo wax ayuu yimaadaa is fahamka iyo hore u socodka umadeed.

Waxa aan hambalyeynayaa ururada isku xilqaama doodaha oo soo badanaya oo aan dhamaantood leeyahay wanaag iyo horumar ayaad horseedeen iyo wax lagu faano.

Waxa aan sidoo kale ku dhiirigalinayaa ururada bulshada ee sameeya doodaha in ay inoo kala duduwaan oo midiba nooc noqoto oo urur waliba joogteeyo doodaha noocan ah qabashadooda.

Dadka ganacsatada ah ee reer somaliland ee waxa iyagana kula talinayaa in ay gacan qabtaan dhalinyaradaa is xilqaantay ee samaysay goleyaasha lagu wadaagayo doodaha laguna axadhayo aqoonta.

Ugu dambeyn waxa aan u mahad celinayaa xukuumada madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo u muuqata mid ka duwan xukuumadihii hore oo doodaha shaki iyo cuqdad ka qabay , waanay ku mahadsan yihiin habdhaqankaa wanaagsan.

waxa kale oo aan kula talin lahaa xukuumada in muwaadiniintu in ay maanka tuujiyaan ay dhiirigaliso , hal midna waan uga digayaa oo dawladaha sumcadooda xumeeya dadka iyo dawladoodana kala dila oo ah xoriyada hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta in aan lagu xadgubin.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS