Cabdicasiis Samaale:Ma Afhayeenka Madaxwayne Muuse Biixibaa Mise Waa Qurraada Madaw Ee Xisbiga Kulmiye Qoddobada Kalafogeynta ah? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cabdicasiis Samaale:Ma Afhayeenka Madaxwayne Muuse Biixibaa Mise Waa Qurraada Madaw Ee Xisbiga Kulmiye Qoddobada Kalafogeynta ah?
April 28, 2019 - Written by Editor:

Inkastoo Aanu jirin habayaraatee, Xil muuqda oo uu Wakhti Xaadirkan ka hayo Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye hadana Waa Markii Lixaad ee Cabdicasiis Maxamed Samaale lagu dhex arko Kulama Xisbiga Kulmiye ee Arimaha Doorashooyinka iyo Go.aanada Xisbigaasi qaraarada beydhsan kaga qaato Xalka Muranka iyo khilaafka u dhexeeya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Hadeynu soo Qaadano Markii uu ka baxey Xisbiga Kulmiye, Kadib Markii uu iska Casiley Xilkii Wasiirnimo ee uu ka Qabtey Xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Wakhtigaas oo laga qaadey Xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda loona  Magacaabey Wasiirka Waxbarashada Waxa uu Cabdicasiis Samaale weeraro badan oo afka ah ku qaadey, Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo iyadoo uu Sharciyan markii uu is casiley Banaanka uga baxey Xubintii Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta, Haseyeeshee, Waxa uu dib ugu soo laabtey kadib markii heshiis ay gadhwadeen ka ahaayeen Ganacsato ku dhexdhexaadiyeen Murashaxnimadii Muuse Biixi markii uu ololaha u Xadhko xidhanayay ee ay Garabkii La baxey Isabdel Doonka Kulmiye intoodii badneyd ku Biireen Xisbigii Waddani ayuu Samaale Mar labaad ku laabtey Xisbigii Kulmiye ee uu go.a ka qaatey.

Waa dhab in Maalmhanba Si xoogan isha loogu hayey Sida uu uga Dhex Muuqdo Xisbiga Kulmiye iyo Doorka uu ka Ciyaarayo Marka laga taggo Sawirada uu la galo Madaxweyne Muuse Biixi Waxaan qarsoonayn in ay Dib usoo laabatey Xidhiidhkii iyo Saaxiibtinimadii Xadhkaha Qarsoon ee ay hore ugu Wada lahaayeen Gudaha Xisbigaasi isaga iyo Madaxweyne Biixi,

Waxaaney Dad badani isweydiinayaan Wakhti Xaadirkan in Samaale Qayb ka yahey Marka.laga taggo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ee Xiligan ahna Gudoomiye Kuxigeenka Kulmiye Xudunta khilaafaadka Doorashooyinka iyo Xisbiyadda Kulmiye iyo Waddani si ay carqaladi ugu timaado arimaha Doorashooyinka Sababtoo ah Waxa aan Wali ka dhamaanin Laba uurxumo oo uu u hayo Kooxdii Isbadeldoonka Kulmiye, iyo Waliba Kooxaha Gudaha Xisbiga ee ay kula fogaadeen Hirdankii u Dhexeeyay isaga iyo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Walise ma cadda in uu si dhab ah ugu yahey Afhayeen Madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi iyo in uu yahey Quraaradaha Madaw ee ku Dhex jirra Xisbi Xaakimka Kulmiye islamarkaana, Caqabadda ku ah Heshiiska iyo.Muqaalafada arimaha Loollanka Xisbiyada ee Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada Somaliland kusoo Caana maashey.

QALINKII ;SAXAFI FARXAAN MAXAMED BARKHAD

HARGAYSA SOMALILAND,

         

COMMENTS
LINKS