Biixi Waxa Uu Noqday Hogaamiye Layli Ah Oo Looga Werwerayo Dalka Hogaamintiisa Mudada u Hadhay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Biixi Waxa Uu Noqday Hogaamiye Layli Ah Oo Looga Werwerayo Dalka Hogaamintiisa Mudada u Hadhay!
May 5, 2019 - Written by Editor:

Mudo halsano iyo badh ah ayuu hogaanka hayaa madaxwayne Muuse ilaa maantana wax muuqda oo la tilmaami karo ama uu ku faani karaa ma jiraan aan ka ahayn ardayda shaqada qaranka la galiyey oo iyaguna magaca iyo muuqaalka mooyaane qorshe tijaabo ah iyo tababar ciidan uun u muuqda.

Maalintii uu hogaanka dalka qabtay mudo yar ka dib waxa dalku galay dagaal dad iyo duunyoba lagu waayey oo ay ciidamada somaliland kaga tageen gambadha oo ay ku tageen deegaanka tukaraq.

Dagaalkaasi somaliland oo waliba dalkeeda gudihiisii lagula dagaalamay haddana wax sumcad ah oo soomaaliland ugu soo korodhay ma jiro sababtuna waxa ay ahayd waxa la inagaga adkaaday dagaalkii diblomasiyada iyo xidhiidhkii aduunka kale.

Maalintii la doortay ilaa maanta madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisu waxa ay hadal hayaan doorashadii ay kursiga ku tageen oo ay leeyihiin xisbiga Waddani noomuu hanayn iyo doorashadii buu xasuusan yahay iyo waxyaabo badan oo iska celin xisbi mucaarad uun ah.

Mudadaa uu xilka hayey madaxweynaha somaliland Biixi Waxa dalka ka taagan khilaaf siyaasadeed oo u badan muran doorasho , iyo sidii ay ku suuragali lahaayeen doorashooyinkii wakiilada iyo goleyaasha deegaanku , waxaana ay xukuumadiisu ku guul daraysatay in ay qabato doorashooyinkii mudaysnaa bishii sadexaad ee sanadkan ee aynu soo dhaafnay.

Ayaan daro waxa mudo kordhin lagu sameeyay doorashadii golaha wakiilada iyada oo aan khilaafkii iyo waxyaabihii marka horeba dib u dhigey aan meesha laga saarin xalna loo helin, waxaana la mudeeyay bisha ugu dambaysa ee sanadkan 2019 ka oo marka aad eegto duruufaha ku gadaaman ay u muuqato mid aan suuragalayn.

Waxa iyaguna mudadii loo kordhiyey ka dhamaatay goleyaasha deegaanada dalka jamhuuriyada somaliland iyada oo aan ilaa hadda la garanayn wakhti la qaban doono doorashadooda oo ay u muuqato in iyagana mudo kordhin lagu sameyn doono.

Waxa mudadaa xukuumada madaxwayne Biixi dalka hogaaminaysay dalka deegaano ka mid ah ka dhacay dagaalo ay beelo walaalo ah oo Wada degani isku dileen , dagaaladaa kuwii ay xukuumadu gashayna ilaa hadda uma muuqdaan qaar xal rasmiya laga gaadhay , qaarna waxaaba lagu soo xaliyey dawlad deegaanka somalida ee dalka Ethiopia.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay sheegato xukuumada madaxwayne Biixi waa in ay musuq-maasuq wax ka qabatay iyada oo aanay jirin ilaa maanta cid musuq lagu maxkamadeeyay ama u xidh-xidhan oo lagu rumeysto in ay dedaal ugu jirto la dagaalanka musuq-maasuqa iyo ilaalinta hantida umada.

Waxa la sheegaa in qaranka loo kaydiyey dhaqaale badan oo waxyaabo aan macno lahayn kaga bixi jiray ama la lunsan jiray , waxa isweydiin leh waxii soo kordhay iyo dhaqaalihii la kaydiyey halkuu maray, ma shaqaale iyo ciidan ayaa mushaharooyin loo kordhiyey? , ma mashaariic hor u marineed oo muuqda ayaa dalka ka socda? ma wadooyin baa lagu dhisay waxa la isweydiinayaa lacagahaasi xaga ay mareen.

Xukuumada Madaxwayne Biixi oo waliba tiraba dhawr goor warbaahinta isla soo taagtay lacag baanu oodwayne gaynay iyo mashaariic baanu u balanqaadnay deegaanadaa badhan iyaga oo xadi lacageed magacaabaya aad moodana in ay gole ka fuuleen hadalka , ha yeeshee lama arko qorsheyaal qaran oo horumarineed oo qorshaysan.

Waxa ay sheegataa xukuumada madaxwayne Biixi in maalgashiyo ay ku dhawaaqdo shirkado iyo wershado aan la garanayn oo maalinta xadhiga laga jaro iyo igu sawirta ugu horeysa mooyaane aan magacooga iyo muuqooga dib loo arag cid u shaqo tagtana daa hadalkeeda.

Xukuumada Madaxwayne Biixi dusha waa ay ka kooban tahay tiro ahaan hoosta waa ay ka badan tahay oo hay’ado iyo wasaarado dawladeed uun baa indhaha dadka laga hadoodiley si aaney xilalku u muuqan oo aan indhaha dadku u qaban , sidaasi oo ay tahay ayaanay aheyn hadana xukuumad miisaaman oo dadka reer somaliland muuqaalka guud iska Wada dhex arkaan oo ay dhinac ka raran tahay.

Mudadaa uu madaxweynaha ahaa Muuse Biixi waxa dalka ka dhacay xad gudubyo iyo xadhigyo aan wadadii sharciga ahayd loo marin oo lagula kacay siyaasiyiin , saxafiyiin , abwaano iyo dad muwaadiniinta somaliland ka mid ah oo awood iyo xoog dawladeed lagu jiidh-jiidhay oo dadka reer somaliland oo dhami yaabeen hab dhaqanada noocaasi ah.

Haddaba waxa la isweydiinayaa sida uu hogaanka dalka u sii wadi doono madaxwayne Muuse oo mudo hal sano iyo badh ah lagaga dayriyey hogaamintiisa iyo qaabka uu wax u wado oo dad badani ay wadnaha farta ku hayaan hadii sidan la sii ahaado.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS