WAJAALE NEWS
Sooyaalkii Nololeed Iyo Siyaasadeed Ee Muj Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)Qalinkii; Fu’aad Sh. Abuubakar.
May 6, 2019 - Written by Editor:

“Dambarkeedii Maandeeq  nimaan, doonin baa dhamaye,

Shicibkii dagaalka u gala,  daadsan suuqyada e’,

Dadkan wada dallacay dawladahan, dahabka shiilaaya,

Da’deennay ahaayeen kuwaa, loo dabbaal-degaye,”

Maandeeq, Timacade, Hargeysa, 1964kii,

Sida la wada ogsoon yahay ummadda Soomaliland amaba si guudba dhamaan bulshada ku hadasha luqada Soomaligu waxay baahi weyn u qabaan qorista taariikhda,sooyaalka iyo soo gudbinta dhacdooyinkii  mudnaa ee bulshada. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa ka mida tirada aadka u yar ee adeegsaday qalinka, markay warqada  iyo qalinka isla helaana  si xeel dheer  oo farshaxanimo ku dheehan tahay u xardha  taariikhda ummadan. Kooxdan tirada yar  ayaa marba  dhinac ka dara waadaanta. Boobe wuxuu in badan bulshada ugu tilmaaman yahay  inaanu marnaba qalinkiisa ka hagran  xusida  shakhsiyaadka mutay  in la xuso ee la  hiigsado sida Cabdilaahi suldaan”Timacade” , Maxamed Xaashi “Gaaarriye”,Maxmaed Moooge Liibaan, Garaad CabdiQani Garaad Jaamac, Suldaan Sheekh Muuse Goodaad,iwm (Ilaahay dhamaantoodba ha u naxariisto). Sidoo  kale ayuu Boobe  mar uu  si hagar la’aaneed  u dhex jibaaxaa dhacdooyinkii  reebay wacdaraha ,marna wuxuu si mug  dheer isku dul istaaga  hab halgameedkii  ururkii xaq u dirirka ahaa  ee SNM.

Si kooban waxaa loo odhan koraa waa Qalin maal dhiiran, ururiye suugaaned iyo sooyaalka la soo dhaafay,mujaahid qalin iyo qoriba ku halgamaya kolba kii loo baahdo, waa codkar  gartiisa dhacsada,  iwm.

Boobe waa  webi gun dheer oo aanay inoo suurto-galayn inaynu waadaanteenna ku soo dhurno waxa dhex maaxanaya maankiisa, hase yeeshee waxaa mudan in la tilmaamo  daba-taxanta ka dhalata  markuu qalinka hinjiyaba, waa ma-daale firfircoon  siiyana mudnaanta  ay leedahay in runta  laga sheego soo-jireenka ummadda haba qadhaadhaatee. Wuxuu cabbiraa kana af-celiyaa dareenka hadba jira isagoo tibaaxaya sida waayuhu inoo hagayo, mar walbana ay habboon tahay in horumarka ummadda lagu salleeyo  dib-u-jalleecidda soo-jireenka, la-jaan-qaadka waayaha iyo  u diyaar-garowga  jawiga  timaadada.

Iyada oo  aynu dul-ka-xaadsanayno taariikh-nololeedka Boobe Yuusuf Ducaale, Bahda Mareegaha Farshaxan waxay garatay inay  u hibbeyso  hadyad ahaan hal-ku-dheggeennii ahaa “Baro  ………” ku soo bandhigidda  waayihii nolosha Qoraagan awday baahi weyn oo  dhex haabanaysay  bulshadeenna. Kollay waxaa caado inoo ah in qofku markuu dhinto  qalinka loo qaato si looga warramo, hase yeeshe siduu Abwaan Gaarriye ba  eray- murtiyeedkiisa ku duugay ayey Bahda Mareegaha Farshaxan isagoo nool oo wali ina dhex jooga Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) soo bandhigayaan  taariikh-nololeedkiisa inta  ay  ka taaban karaan, waxaanu yidhi Gaarriye (IHUN):

“Ha laguu ilmeeyee,        Horto dhimo af maahee,

Eeggoo la noolyiyo,      Ifkaan kaaga baahnahay,

Wax yar oo aqoonsiya,    Oon aad u buurnayn,

Oo weliba eegeey,           Igu sii amaahoo,

Ictiraafka buuxee,           Aakhiro markaan tago,

Iilka igu sugaayiyo,        Ayaantaan xabaal galo,

Oohintaan mutaystiyo,    Akowntkayga laga jaro,

Maxamed Xaashi “Gaarriye”-IHUN-

Boobe wuxu ku dhashay magaalada Hargeysa ahna caasimadda waddanka Somaliland 7/12/1948kii. Wuxu ku kacaamay kuna hanaqaaday isla magaaladaa. 1955kii ayuu Malcaamad-quraantii ka bilaabay Macallin Xabashi oo ku taallay dooxa qarkiisa meel galbeed kaga beegnayd Hudheelka Hadhwanaag. Macallin Xabashi wuxu ahaa nin Itoobiyaan ah oo la odhan jiray Sheekh Axmed Nuur. Beeraley ayuu Itoobiya ka ahaan jiray intii aanu Hargeysa iman.

Magaalada Hargeysa xilligaa waxaa ka jiray dhawr malcaamadood oo ay ka mid ahaayeen malcaamada macalin Laangadhe,(waa Sh. Cabriraxmaan oo dhaley Cumar dheer kana mid noqday baarlamaankii ugu horeeyey ee Soomaaliland) iyo  malcaamada Macalin Xabashi oo magaciisu ahaa  Sh. Axmed Nuur Xabashi.  Asal ahaan Macalin Xabashi wuxuu ka soo jeeday wadanka Itoobiya sida magacu lagu ladhey malcaamaduba uu xusayo. Wuxuu ahaa beerfale u diran mid ka mid ah maalqabeenadii  beeraha lahaa (Landlord)ee Xabashida. Hase yeeshee  qalbigiisa ayaa dareen muslimo galey, waxaanu u baxsadey magaalada Jigjiga, kuna islaamey gacanta Sh. CabdiSalaan Xaaji Jaamac. Hase yeeshee wxuu Sh Cabdi Salaan u sheegay  Axmed Nuur in uu maalqabeenkaasi iman karo Jigjiga. Sidaasaa Sh Cabdisalaan ula soo xidhiidhay Macalin Maxamed oo ahaa imaamkii masjid Jaamaca Hargeysa kana codsadey inuu Quraanka baro Axmed Nuur oo islaamey.  Halkaas ayuu ka aflaxey Macalin Axmed Nuur  ka dibna kula wareegay malcaamad uu lahaan jiray  macalin  Hargeysa ka tagey

1956kii, Boobe wuxu galay Madarasaddii Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahin, Baraawe, oo markaa ku taallay dariiqa Saldhigga Dhexe koonfur ka mara ee Maxkamadaha taga. Goor danbe oo isla 1956kii ah ayaa Madrasaddaa loo rarayaa meel Xabsiga Dhexe kaga beegan galbeedka.

Malcaamaddaa wuxu ku jiray 1956kii ilaa 1957kii. Madarasaddan waxaa lahaa Sh. Maxamed Sh. Ibraahin Baraawe.  Magaca lagu ladhey Madarasaddu wuxuu ka yimid Sh. Ibraahin ayaa waxbarashadiisii Diineed ku soo bartey magaalada Baraawe. Waxaaney Madarasaddaasi markii hore garabka ku haysay Ddawlada Hoose ee magaalada Hargeysa hase yeeshee muddo ka dib ayey u soo wareegtay halka ay immika tahay ee  Jeelka Hargeysa agtiisa. Ardeydii ay madarasaddaa Sh. Baraawe ku wada jireen waxaa ka mid ahaa mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

1957kii ayaa Boobe la qoray Dugsigii Hoose ee ‘Reece’ (Riis) la odhan jiray waxaanu dhiganayay sannad keliya. 1958kii waxa loo beddelay Dugsigii Hoose ee Biyo-dhacay oo uu dhammaystay 1959kii. Sannadkii xornimada ee Afrika oo ahaa 1960kii ayuu u wareegay  Dugsiga Dhexe  ee Sykes Thompson Intermediate School markii danbena loo bixiyay Axmed Guray,kagamuu hadhin waxbarashadii halkaa sida in badan dhici jirtay waagaa oo heerkaa lagu shaqo tagi jiray ama dibadaha loo carraabi jiray .

 

Inta uu dalkaygii                dacar iyo  gadhoodh yahay

Dahab la gaadhinee            danti ay abaar tahay

Dagalada shisheeyaha        looga doono baahida

Didibkiyo buulkiyo            daalka dhawran maayoo

Dugsan maayee ciilkee      dibadahaan u kacayaa

Cabdi  Qays

1964kii ayuu magaalada Muqdisho ka bilaabay Dugsigiisii Sare isagoo galay Dugsigii Sare ee Benaadir oo markaa la furay. Wuxu ka qalin-jebiyay 1968kii. Ardey badan oo reer Soomaaliland ah ayaa waxbarasho ahaan u tagey dugsigaa.

Markaa Boobe oo inooga waramaya sababta  uu dugsigaasi u galay  ayaa yidhi: “Iskuulladii ugu cusbaa ayuu ka mid ahaa. Waxa dhisay oo gacanta ku hayay ardaydana wax bari jiray macallimiin ka timid Midowgii Soofiyeti, Dugsiga Xamar ugu ballaadhan ayuu ahaa. Boarding ayuu ahaa. ‘Foom’ ama sannad waliba saddex fasal oo min soddon qof ah ayuu ahaa. Bishii waxaa la bixin jiray 80 shilin”.

1968kii ayuu waxbarasho Jaamicadeed ku tegay dalkaa Talyaaniga. Barashada luqada Talyaaniga ayuu ka bartay Jaamicadda luqada ee magaalada Perugia oo la yidhaahdo ‘Universita per gli Stranieri di Perugia’. Markii uu dhammaystay luqadii wuxu u wareegay magaalada Ferrara oo uu ka baranayay cilmiga Joolajiga. Wuxu halkaa wax ku baranayay ilaa 1972kii.

 

Qalinkaa wax suureeya            Kugu simma halkaad doonto

Saaxiib kal furan weeye            Sunto  fara ku hayntiisa

Weligaa ha sii deynin.               Sisin iyo ku beer muufo

Iyo laanta saytuunka                  Ku qotomi sugnaan waarta

Iyo nabadda seeskeeda               Samo iyo ku doon heedhe

Dunidiyo sinnaanteeda

Sirta Nolosha, Hadraawi,

Dalkii ayuu Boobe ku soo noqday, ka-dibna mar kale ayuu dibadda waxbarasho u tegay. Markanna waa magaalada Moscow oo markaa xarun u ahayd Midowgii Soofiyeti waxaanu Boobe ku diyaariyay koorsooyin ahaa cilmiga siyaasadda.

Halkaa markay arrini marayso wuxuu Boobe dib ugu soo laabtay dalalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliya kana mid noqday hawl-wadeennadii Waaxdii Xidhiidhka Dadweynaha (PRO)  ee  Golihii Sare ee kacaanka hoos iman jirtay, Qaybteedii Tababarrada sannadihii 1973-1974. Hase yeeshe kumuu sii nagaan halkaas ee isla  gu’gii xigayba wuxuu  u digo rogtay inuu wakiil uga noqdo Xidhiidhkii Guud ee Shaqaalaha Wersheddii Kalluunka ee Laas-qoray.

Gu’ba gu’ ha riixee, 1dii Juulay, 1976kii wuxu ergay ka noqday aasaaskii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Markii uu Shirweynihii aasaaska XHKS dhammaday wuxu ka mid noqday hawl-wadeennadii Hoggaankii Aydhiyoolajida oo ka hawl-geli jiray Xaruntii Xisbiga oo ahayd Guriga Ummadda.

Boobe wuxuu ka hawl-galey Hoggaankii Aydhiyoolajiyada. Isaga oo nooga warramaya Xisbigaasina wuxu yidhi:

“Xisbiga Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS), wax kale ma uu ahayn oo aan ahayn agab kale ama qalab kale oo nidaamkii millateriga ahaa u adeegsanayay in uu dalka gacan bir ah ku maamulo isaga oo iska dhigayay nidaam rayid ah oo xisbiya. Ta kale ma ahayn nidaam hanti-wadaag ah oo dhaqan ahaan ayaanay saraakiisha millaterigu u noqon karin wax aammina aragtida Hanti-wadaagga. Adduunyada nidaamyadii Hanti-wadaagga ahaa ee ka jiray waa ay ka soo hor-jeedeen askari ama nidaam milleteri oo sheegta Hanti-wadaag. Fikir ahaan ayaa loo aamminsanaa in aanay saraakiisha millaterigu noqon karin ama dad dimuqraadiyiin ah. Sidaa darteed, si uu adduunka indho-sarcaad ugu dhigo ayuu Siyaad Barre u doonayay una jeclaystay in uu u digo-rogto nidaam shacbiya ama ‘civil’ ah. Bal u fiirso maalmihii: Dhallinyarada oo 15ka Meey ahayd, Maalinta haweenka oo 8da Maarj ahayd, Maalinta Shaqaalaha oo 1da Meey iyo aasaaskii XHKS oo lagu beegay 1dii Juulay 1976kii. Maalmo iyo munaasbadii si dhalanteed ah la isugu beegay oo aad garanayso in ay ahaayeen wax samays ah oo aan xaqiiqada ku fadhiyin. U fiirso maalmaha dhalashada ee Soomaalida Qurbo-joogga ah inta badan waa 1da Jeeniweri sannadka ay doonto ha noqotee”.

Sidoo kale waxa jiray culays dibadda kaga imanayey oo xukuumaddii millatariga aheyd ku khasbayey inay sameeyeen xisbi rayid ah oo laga gudbo xukuumadda millatariga ah. Mujaahid Boobe oo sii watay hadalka ayaa yidhi:

“Wax kale ma jirin oo aan ahayn culays dibadda kaga imanayay oo ahaa in nidaam shacbiya oo xisbiyeed dalka laga hirgeliyo. Waxaan filayaa in beesha Hanti-wadaaggu culayska ugu badan saaraysay. Dhinaca kale waqti ku filan ayuu millateri ahaan ku soo waday, markaa wuxu u baahnaa in uu digo-rogto oo iska dhigo wax dimuqraaddiya isaga oo aan u dhalanba oo askartii gumeysigu soo ababiyay ahaa”.

Isla waqtigan wuxu ahaa tifaf-tiraha qaybtii afka Soomaaliga ku soo bixi jirtay ee wargeyska afka XHKS ku hadli jiray ee Halgan.

Wuxuu xubin ka ahaa Guddidii Bandhiggii Fanka iyo Sugaanta, BANFAS ee dal ahaan loogu diyaar garoobayay Bandhiggii Beelaha Madow (FESTAC) ee lagu qabtay Nayjeeriya 1977kii. Xiliyadani ilaa 1981-kii wuxuu si joogto ah wax ugu qori jiray barnaamijyadii todobaad laha ahaa ee idaacadii raadyoow Muqdisho iyo xiddigtii Oktoober ee maalin laha aheyd.

Bishii Janaayo 1981-kii, waxaa Boobe loo igmaday inuu xubin ka noqdo Golihiii Dhexe ee Jabhadii Xoreynta Soomaali-galbeed (WSLF), isagoo isla markaana  loo doortay Guddoomiyihii Gobolka Xarshin. Mujaahid Boobe oo ka hadlayay waxa sababay in uu Jabhaddaa ku biiraa wuxu yidhi: “Dhammaadkii 1981kii ayaan ka mid noqday Jabhaddii Xoreynta Soomaali-galbeed. Waxaan noqday xubin Golaha Dhexe, iyo badhasaabka Gobolka Xarshimeed. Ku-talo-galku wuxu ahaa in Jabahaddaa lagu yeesho ciidan sidaana la isku hubeeyo, ka dibna ay suurto-gal noqoto in Jabhad kale looga digo-rogto.

Jabhada Soomaali-galbeed oo meel Afgooye (Lafoole) u dhow ku leh Shirweyne, ayaa waxa I geeyay oo gurigaygii Xamar iigu yimid Axmed Yuusuf Ducaale oo wada ama ay la socdeen: Suldaan Cabdiraxmaan Maxamed, Cali Jire iyo Barre Xaashi Cilmi. Shirweynihii ayay i geeyeen halkaasaana la igu daray Golaha Dhexe, sidii ayaan kaga tegay Xaruntii XHKS ee aan ka hawl-geli jiray”.

Xidhiidh ma  ka dhexeeya  Jabhadii Soomaali-galbeed iyo Guutadii 4aad  oo ka dhalatey iska-caabbintii  Jabhada Soomali-galbeed oo dhib ku haysay dadkii degaanka ag-agaarka Gabiley? Boobe oo nooga war-celinayey faah-faahinta ku saabsab xidhiidhka jabhadii Soomaali Galbeed iyo  Guutada 4aad ayaa yidhi:

“Guutadii 4aad ee SNM unugga u ahayd, waxay ka tirsanayd Jabhaddii Soomaali-galbeed, gaar ahaan Gaaskii Axmed Gurey oo ay ka ahayd Guutada 4aad. Gaasku wuxu ka koobnaa ilaa 5 Guuto ayaan u malaynayaa. Guutada 2aad ayaan u malaynayaa in ay ahayd Hawiyaha Itoobiya, waxaana hoggaamin jiray Korneyl Axmed Cali Nuur. Guutada 4aad waxa hoggaamin jiray Maxamed-Cali Faarax. Laba taliye oo saaxiibbo halgan-wadaag ah ayay ahaayeen, markii dambena waa ay kulmeen oo isu yimaaddeen. Waxaan u malaynayaa in ay ahayd dhammaadkii 1982-kii iyo meel la yidhaahdo Haro Ibro Muusa oo ka tirsan gobolka Fiiq ee Itoobiya”.

Boobe, waqti ku beegnaa badhtamihii 1981-kii ayuu ka degay magaalada Cadan isaga oo ku biiray Xisbigii Dadka xoogsada ee Soomaliyeed afka Ingiriisigana loo yaqaannay Somali Working People’s Party (SWPP)) ee ka dhisnaa magaalada Cadan ee dalka Yemen, kani oo gacan-saar la yeeshay Jabhadihii Somali Democratic Liberation Front (SDLF) iyo SomaIi Salvation Front (SSF) si ay u unkaan ururkii Somali Salvation Democratic Front (SSDF) bishii Oktoobar 1981-kii, kulankaas oo ka dhacay Addis Ababa. Boobe markan wuxu mucaarid ku noqdey xukuumaddii Siyaad Barre, waxaanu u hinqadey socdaal dheer oo uu kaga tegay  magaalada Cadan si uu xubin uga noqdo jabhadihii halkaa ka jiray.

Boobe oo ka waramaya halkey is-diiddada isaga iyo xukuumaddii M. S. Barre ka timid ayaa yidhi:

“Qof kasta oo dareen lahaaba waa uu diiddanaa hab-dhaqankii nidaamkii millateriga ahaa. Maamul ku-sheeg aan dal iyo dad u danaynayn, bal se koox iyo qabiil u danaynayay ayuu ahaa .Saaxiibbo aanu Xamar ka wada shaqayn jirnay ayay ahaayeen oo markaa Cadan deggenaa. Siciid Jaamac Xuseen (Gucmudi) ayaa Jabhadda madax ka ahaa. London ayuu hadda deggan yahay waana Qoraa caan ah.”

Labada jabhadood  ee ka jiray xilligaa dalka Yemen ayaa kala ahaa Xisbigii dadka xoogsatada  Soomaliyeed (SWPP) ee ka dhisnaa magaalada Cadan ee dalka Yemen,iyo jabhadii SDLF oo gacansaar fiican ka dhexeeyey . Waxaaney kala ahaayeen siduu Boobe nooga warramey:

“SWPP iyo SDLF waxay ahaayeen jabhado aamminsanaa nidaamka hanti-wadaagga oo aad u koobnaa. Waxaan is-leeyahay xubnaha Jabhad walba ka tirsanaa ee markaa nala joogay labaataneeyo kama ay badnayn. SSF waxay ahayd Jabhad reer oo ballaadhnayd oo hubeysneyd oo Cabdillaahi Yuusuf madax ka ahaa.

Boobe oo mar kale inooga waramaya siduu ugu biirey  xisbigii SWPP ee magaalada Cadan ayaa yidhi:

“Cadan ayaan tegay, aniga oo Jabuuti ka ambo-baxay, sidaas ku tegay oo aan ku degay Hudheelka crescent Hotel oo ku yaallay Xaafadda Tawaahi. Saaxiibbaday ayaan ugu tegay, markii dambena waxaanu isu raacnay Addis Ababa oo aanu is-bahaysi kula yeelannay SSF oo Cabdillaahi Yuusuf Hoggaaminayay iyo SDLF oo uu hoggaaminayay Cabdiraxmaan Caydiid. Waxaana samaysmay Jabhaddii la odhan jiray SSDF”.

Sababo jiray oo ammaan awgeed wuxuu mudane Boobe ka xuub-siibtay xubinimadii  ururkii SSDF, kana mid noqday xubnihii firfircoonaa  ee ururkii SNM. Jagooyin kala duwan ayuu ka qabtay ururka kuna jiray ilaa laga hantiyey guushii dhamaystirneyd ee xornimadii Somaliland.   Waxaana ka mid ahaa siduu noo sheegay mujaahid Boobe: “SSDF waxay iska noqotay boqortooyo uu leeyahay Cabdillaahi Yuusuf oo digtaatooriyad qabyaaladeed ahayd. Waxaan is-leeyahay nidaam ahaan tii Siyaad ayaa dhaantay. Sidaas ayaan uga digo-rogtay”.

Mujaahid Boobe intii uu ku jiray jabhada SSDF xidhiidh ayuu la lahaa xubnaha ururkii SNM., Xidhiidhkaasi oo fududeeyey inuu mujaahid Boobe si fudud u digo-rogan karo, kol haddii ujeedada uu yimid aaney hirgalin kareyn SSDF oo qaab boqortooyo u dhisneyd.

Intii uu  ku jiray  ururka ee ka horreysay xornimadii horaantii 1991-kii, wuxuu jagooyin sarsare ka soo qabtay ururka SNM, waxaana ka mid ahaa:

– Xubin Golaha dhexe ee SNM,muddo shan sanno ah.

– Xoghayaha Golaha Dhexe iyo Gudida Joogtada, muddo shan sanno ah.

– Xoghayaha Warfaafinta, muddo saddex sanno ah

Markii uu dhamaaday halgankii dheeraa ee xaq u dirirka ahaa, dibna loo hantiyey xornimadii la duudsiyey,Mudane Boobe umuu arag inuu gutay xilkiisii dibadana sahay umuu qaadan manaanu u xadhko xidhan baa’biinta iyo hogaaminta dabadhalowgii daydayga ahaa  :

Dul iyo hoosba waan ugu digay       waa dixdhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhaguhu        uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn      dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga          dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday                bay degashanaysaaye

Dugsi ma leh, Timacade:

 

Laba oorya walaaliyo           ilmaadeer is maquunsha

lama sheegin aduunkee       marka aan ugu liito

mar aan eeda sokeeyiyo      ilmahayga ku waayo

mar aan aayo la’aanta          seedigay ugu aaro

oo walaashay asay qaaddo    mar haday aqalkayga

haddii layga adkaadiyo       hadaan raystey idhaahdaba

mar lay oohin u tahay         bal maxaan istafiiday

Ergo, Gaarriye

Hase yeeshee wuxuu go’aansadey inuu la hawlgalo maamulkii Cabdiraxmaan Axmed Cali (IHUN), isagoo noqday wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee Somaliland intii u dhexeysay 1992-1993-kii.Si xeel dheer baanu ugu qancay gooni-goosadka iyo xornimada la gaadhay waxaanu yidhi islamarkii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada xornimada la duudsiyey: “waxa halkan ila jooga guddoomiyaha ururka SNM iyo guddoomiyaha golaha dhexe si ay erayo kooban uga yidhaahdaan go’aan Taariikhi ah oo raad ku yeelan doona guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka gobolada waqooyi waxaana hadalka ku horeynaya gudoomiyaha golaha dhex Ibraahim Meygaag Samatar”

lixdankii jihaad kaan galee                   Calanka loo joojay

Jabuuti iyo Hargeysiyo halkay             Xamar ka soo jeedo

Jubbada Kismaayiyo Berbera              Jawhar iyo Saylac

khadkii Xayle loo joogsadiyo               Jooma Kiniyaate

Soomaaloo jamhuuriyad qudhoon         saaka kala jeedin

anaba waayo waataan jeclayn               kuna jibaysnayne

haddaan wada jirkeedii dhacayn           jixinjixii laabta

ogow jeer dambo layga rido                 jar iyo haadaanta

qalbigayga waataan ka jaray                jeerenkii mudaye

Jaranjaro,Cali Banfas

Ninba meeli u cad e’, himiladii halganku wali hiyigiisa kama go’in  mar walba haqabtirka ummada ayuu u heelanaa halka dar kale ay la qumanaatay ka qaybqaadashada  sanadihii burburka iyo reeraysiga.

Qofkii samo u kaca, ma seego dariiqa suubanee Ilaahayna wuu ku sugaayee, wuxuu noqday xoghayaha guddidii diyaarinta dastuurka Qaran oo ay ku jireen toban xubnood oo ka mid ah guddiga baarlamaanka sannadihii 1994-1995-kii.

nin walbaa degmuu leeyahaye         daaqsintiyo ceelka

hadba kaad dan wada leedihiin          daabka wada goosta

siyaasadaha layguma dagee            daakhil iyo khaarij

distoorkiina xaashida ku dhiga        qalin aan duugoobin

Dardaaran, Cali Xasan, Banfas(IHUN)

Isla xiliyadan waxaa bilaabmay hub ka dhigistii ciidamadii ku salaysnaa reeraysiga si loo sameeyo ciidamada qaranka Soomaliland, kama gaabsan hawlgalkanee wuxuu ku sifoobay inuu noqdo la taliyihii guddidii loo xilsaaray hub ka dhigista .

Ka rogoo hadana saar, dalka gudihiisa uun kamuu taageerin baahida ummada iyo wadanka Soomaliland ee dibadda ayuu u jarmaaday si uu uga qayb galo shirkii lixaad  ee cilmi baadhista Qawmiyada Soomaaliyeed ee caalamiga ahaa, kana soo jeediyey qoraal ay ku xardhaneyd: Habka hub ka dhigista iyo is dhexgalka  ee ciidanka Soomaliland laguna qabtay magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka sannadkii 1996-kii.Wuxuu si hagar la’aaneed u soo bandhigay qoraalkaa uu kaga waramayey habka ay Soomaliland u hirgalisay hub ka dhigista  ugana aasaastay ciidankii reeraysiga ku dhisnaa ciidan qaran.

Ka dibna muddo laba sanno ku dhawaad ah ayuu ka noqday tifatire wargeyska maalinlaha ah ee Jamhuuriya, isagoo qoraalo badan oo ku saabsan siyaasada iyo suugaanta qalinka ku duugay mudadan.

Wuxuu ka qayb galay Mar labaad shirkii  cilmi baadhista Qawmiyada Soomaaliyeed ee caalamiga ahaa (SSIA) laguna qabtay magaalada Turku ee waddanka Finland kana soo jeediyey laba warqadood oo ku kala sumadysnaa sidan:

– Horumarka warbaahinta madaxbanaan ee Soomaliland iyo

– Noloshii,suugaantii iyo Curintii dananeed ee Cabdilaahi Qarshe,aasaasihii dananka cusub ee Af

Soomaaliga ah 1998-kii.

Bilawgii sannadkii  1999-kii wuxuu ka mid noqday aasaasayaashii Xaruntdda nabada iyo horumarka una digo rogtay Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarka oo uu ka shaqayn jiray ilaa bishii Maarj, 2012-kii markaas oo uu noqday Wasiirka Warfaafinta.

Boob waa qof aad uga feejigan dirirta, iska hor imaadka iyo inuu dhuunigu hago. Waa shakhsi aad ugu dabacsan dadka , mooganeyna qof waliba wuxuu gudo iyo wuxuu galo  .

Nin kastoo sallaan dheer          u baxa siibashaa xigiye

Suuldaaro waw halis ninkay    rag isa seegeene

Sirqabahana taariikhdu way    sahamin doontaaye

Abwaan Qaasim (IHUN)

Boobe waa qun yar socde qalinka  iyo qorigaba yaqaana sida loo adeegsado laakiin ku xeeldheeraday in uu u meel dayo halka u abbaarayo.Waa samo taliye ay ummada  reer Somaliland tirsato kuna  guurto xilliga nabadda iyo colaaddaba isagoo jarobixinta marba la sargooya xiliga la marayo.

Boobe waa xaas waxaanu yeeshay 8 ubad ah oo ay laba dhinteen: Cawo iyo Diirye. Waxa nool gabadh iyo 5 wiil. Waa laba bahood: Faadumo Xasan Diiriye iyo Sahiira Xuseen oo dhimatay,

Wuxuu dhalasho la wadaagaa afar wiil iyo shan gabdhood oo laba dhinteen. Waa saddex Bahood. Hooyadii  waxay  aheyd Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor Axmed. Wuxu si fiican ugu hadlaa afka Ingiriisiga, aqoon fiican baanu ka wataa afafka Carabiga iyo Talyaaniga.

Waraysiyo iyo Qoraalo:

∗  “Qorayaashu waa udub dhaxaadka bulsho kasta, waayo waa kuwa dhaxalka taariikhda ah ururiya, hindisana waxyaabo cusub si jiilka soo korayaa u bartaan dhaqankooda iyo taariikhdooda.  Cabdi Yuusuf Ducaale waa qoraaga kaliya ee Somaliland ee keydiyey taariikhdii halgankii ururkii SNM, hadday tariikhda SNM hallaabi lahayd waxaa hallaabi lahaa dhaxalkii ummada. Qoraaga Boobe oo ah qoraa uu ilaahay hibo u siiyey wax qorida, wuxuu wakhtigiisa iyo aqoontiisa u huray inuu ururiyo taxanihii taariikhda halganka.

Qofkastoo aqoon leh oo Somaliland ahi wuxuu u aqoonsan yahay inuu Boobe yahay geesi taariikhda dalka baal dahaba kaga jira.”

Maqaal:     BOOBE WAA QASNADA TAARIIKHDA IYO SUUGAANTA SOMALILAND, by  Cismaan Cali

∗  “Kulankayagii ugu horreeyey ee Boobe wuxuu ku bilaabmay xilli ay iskuuladu fasax ku jireen  ayuu safarkayagii ku aaddanaa Magaalada Gabiley nagaga soo darsamay Magaalada Hargeysa, in kastoo waqtigaa aanay gawaadhidu ku leexan jirin magaalada Gabiley oo uu gaadhigii na dhigay Lafta Boqor, dabadeed  aanu lugta wada maalnay ilaa magaaladii Gabiley, waxaan ku tilmaami lahaa  Boobe: “waa nin hadalo cad cad-‘Straight forward’, aan lab-laabmin, kamana gabbado runta sheegisteeda ,waa ruux ixtiraam badan, waddanimaduna ku dheehan tahay.”

Khadiija,

∗Waxaan Boobe ku xasuustaa: “wuxuu ciyaari jiray kubada cagta ,wuxuu ku fiicnaa waxbarashada oo qayrkii hiigsan jireen”.       Maax ,

Buugaagta Boobe:

Ururintii Maansadii Timacadde, Daabacaaddii 1aad, 54 Maanso, Madbacaddii Qaranka, Muqdisho, 1983kii,

Ururintii Maansadii Timacadde, Daabacaaddii 2aad, 126 Maanso, Flamingo Printing Press, Addis Ababa 2006dii,

Ururintii Maansadii Timacadde, Daabacaaddii 3aad, 150 Maanso, Madbacadda Sagaljet, Hargeysa, 2017kii,

Deelleey: Saadaal Rumowday, Daabacaaddii 1aad, Flamingo Printing Press, Addia Ababa, 2008kii,

Deelleey: Saadaal Rumowday, Daabacaaddii 2aad, Madbacadda Sagaljet, Hargeysa, 2017kii,

Mullaax, Maalmihii & Maansadii Ibraahin-gadhle, Daabacaaddii 1aad, Madbacadda Sagaljet, Hargeysa, 2012kii,

Ilmadii Hal-abuurka, Baroor-diiqdii Gaarriye, Madbacadda Sagaljet, Hargeysa, 2014kii,

Ibraahin Meygaag Samatar, Daabacaaddii 1aad, Madbacadda Sagljet, Hargeysa, 2017kii,

Mujaahid Bashiir, Daabacaaddii 1aad, Madbacadda Sagaljet, Hargeysa, 2016kii.

Dhaxal-reeb: Horaad, Daabacaaddii 1aad, Flamingo Printing Press, Addis Ababa, 2006dii,

Dhaxal-reeb: 2aad, Daabacaaddii 1aad, Madbacadda Sagaljet, Hargeysa, 2015kii,

Jaamac Maxamuud Xeyd, Amazon Printing Press, Dubai, 2014kii,

Poetry & Life History of Cabdillaahi Suldaan, Flamingo Prinying Press, Addis Ababa,  Jan.2012

Printed Papers:

Less and more than the sum of its Parts: The failed merger of Somaliland and Somalia and the tragic quest for ‘Greater Somalia’. Published in 2015 in the Book “Self-Determination and secession in Africa”

Reconciliation and peacemaking: The Somali National Movement and the Somaliland Experience of state building. Published in 2017 in the Book “State building and national identity Reconstruction in Horn of Africa”

Mahadnaq:

Bahda Mareegta Farshaxan waxay u mahadnaqeysaa dhamaan dadkii  kala qayb qaatay  qoraalkani inuu suurtoobo  iyo dhamaan dadka si hagar la’aaneed u taageera  ururinta taariikhda, suugaanta iyo dhaqanka ummada.

Qalinkii, ururintii, iyo tifatirkii:

Fu’aad Sh.

Bahda Mareegaha Farshaxan

www.farshaxan.com  ama  www.farshaxan.org

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews