Waxaan Ka Bartay Ramadaanta Casharadan.W/Q;Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaan Ka Bartay Ramadaanta Casharadan.W/Q;Barkhad-ladiif.
May 9, 2019 - Written by Editor:

Dadka faa’iido dhinacyo badan leh bay u tahay Ramadaantu.

Markii aan si gaar ah u qiimeeyey oo dhinacyo badan ka eegay waxa iga soo baxday faa’iidada ramadantu u leedahay aadmiga.

Shay kasta oo warshadi soo saarto waxa la socda Buug yar oo laga eego sida shaygaas loo isticmaalo, iyo waxa aad uga baahan tahay shaygan aad soo iibsatay ee kugu cusub, bani’aadanka ilaahay waxa uu soo

raaciyey kitaabka quraanka ah oo laga helayo if iyo aakhiro wixii aad mutaysan doonto, noloshadda oo dhan wixii khuseynayey baa ku dhan, ilaahay cudur ma soo saarin aan dawadiisa la socon ee waxay ku xidhan tahay hadba siday dadku u fahmaan.

Faa’iidada maxa ka mid ah:

  1. Mar waa caafimaad, oo 11 bilood baynu wax isku wadnay, wax kasta oo la iska dhargiyaana caafimaad daro ku keena, sidaaas darteed in hal bil caloosha la madhiyo waa caafimaad.
  2. mar waa la dareen dadka kula mid ah ee 11 bilood aan habeenna dhargin ama cunto ku filan cunin, waxa lagu tusayaa inay jiraan dad gaajo u dhinta iyo dad aan haysan waxaad aad haysato si ilaahay ugu shugrido isla markaana dhibaatada ay ku nool yihiin u dareento ayaa sidan lagugu tallogalay hadii kale dareemi maysid.
  3. Inaad wax bixiso, mar hadii aad dareentay gaajadda, isla markana jiraan dad sidaada ilaahay waxba siin waa inaad wax bixinta barataa, halkaasna tarbiyada wax isa siinta ayaa lasocota.
  4. Quraan akhriska iyo cibaadada oo la badsado, hadii intii kale haleeli waydo ama wakhtigu ku saamixi waydo bishan waxa lagu yidhi kordhi quraan akhriska iyo cibaadda, waana ta keentay in masaajid walba salaad walba buuxo, rag aan masaajidada jaarkooda laga heli jirin ayaa imika camira masaajidadii jaarkooda illaa kabaha ku dul tukadda.
  5. Salaadda Taraawiixda mar waa quraankii baad dhagaysaysaa oo aad ku qasban tahay marka salaadda ku jirto, marka waa jimicsi jidheed oo jidhkaaga xubin aan jimicsi dareemeen kuma jirto, sidaas darteed, waxa salaadda taraawiixda ku jirto nimcooyin badan oo mid jidheed iyo mid nafsiyeedba leh.iyo hadii aanad quraanka akhri karin ku dhagaysan karto.

Isku soo wada duuboo bishani waa bil tobabar, oo sodon cisho lagu siinayo siminaar ah sida loo dareemo gaajada, cibaadda oo aad badiso iyo inaad naftaada ka adkaato.

Sida mar wal oo aad shaqo ku jirto lagu siinayo tobabar siyaasadda ah ayaa ilaahay dadkiisa ugu tallogalay in sanadkiiba mar tobabar nafsi iyo mid jidheedba siiso.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF CUMAR

COMMENTS
LINKS