Sheekh Aadan-Siiro Oo Ummadda Afka Soomaaliga Ku Hadasha Ka Tacsiyadeeyay Geerida Xaaji Cabdi-Waraabe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Aadan-Siiro Oo Ummadda Afka Soomaaliga Ku Hadasha Ka Tacsiyadeeyay Geerida Xaaji Cabdi-Waraabe
May 10, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N.) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi, ayaa eheladii iyo qaraabadii iyo dhammaan qaranka Somaliland ka tacsiyadeeyay Alle ha u naxariistee marxuum oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Sheikh Aadan siiro oo dalka dibeddiisa ku maqan ayaa si kooban uga waramay shakhsiyadii marxuumka oo ku sifeeyay inuu ahaa halyeey qaranka ka baxay, kana mid ahaa aas-aasayaashii dhidibada u taagay jamhuuriyadda Somaliland. “oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) waxa uu ahaa halyeey qaran, ahaana aasaasayaashii dawladnimo iyo midnimada ay ummaddani maanta ku naaloonayso, kow iyo lababa isaga ayaa ahaa, Illaahay dembigiisa ha dhaafee.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, “Waxa aan ka tacsiyadeenayaa dhammaan ummadda afka Soomaaliga ku hadasha, waxaan Alle uga baryayaa inuu qabrigiisa uga dhigo mid ka mid ah jannooyinkiisa, waxaan ka tacsiyadeenayaa ehelkiisa iyo dhammaan ummadda reer Somaliland, waxaan ka tacsiyadeenayaa dadkii garanayay qiimahiisa iyo miisaanka uu ku lahaa ummadda gudaheeda.” Waxa uu intaas raaciyay, “Waxa allaaliyo waxaa maanta dawladnimo ku fadhido, isku ururintooda dadkii sababta u ahaa ayuu ahaa.”

Sheekhu waxa uu sheegay inuu jeclaa inuu ka qaybgalo aaskiisa, balse qadar Alle ay u suurtogali wayday, “Waxaan jeclaa inaan aaskiisa ka qaybgalo, laakiin Qadar Alle ayaa dhacay oo keenay inuu geeriyoodo maanta aniga oo jooga halkan (Hindiya).” Ayuu yidhi sheekhu

 

COMMENTS
LINKS