Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Qoyskii Iyo Shacabka Reer Somaliland Ee Uu Baxay Marxuum Xaaji Cabdi-Waraabe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Qoyskii Iyo Shacabka Reer Somaliland Ee Uu Baxay Marxuum Xaaji Cabdi-Waraabe.
May 10, 2019 - Written by Editor:

INAALILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN.

Hargeysa (W,N.) –Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo kamida madax dhaqameed iyo golaha guurtida Somaliland , ayaa eheladii iyo qaraabadii iyo dhammaan qaranka Somaliland ka tacsiyadeeyay Alle ha u naxariistee marxuum oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa barina lagu aasi doono xabaalaha toon.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ay Marxuumka Ay wada tirsanaayeen golaha guurtida ayaa si kooban uga waramay shakhsiyadii marxuumka oo ku sifeeyay inuu ahaa halyeey qaranka ka baxay, kana mid ahaa aas-aasayaashii dhidibada u taagay jamhuuriyadda Somaliland. “oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) waxa uu ahaa halyeey qaran, ahaana aasaasayaashii dawladnimo iyo midnimada ay ummaddani maanta ku naaloonayso, kow iyo lababa isaga ayaa ahaa, Illaahay dembigiisa ha dhaafee.”

Isagoo suldaanku  hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, “Waxa aan ka tacsiyadeenayaa Qoyskii iyo qaarabadii ,golaha guurtida iyo dhammaan ummadda afka Soomaaliga ku hadasha, waxaan Alle uga baryayaa inuu qabrigiisa uga dhigo mid ka mid ah jannooyinkiisa,

 

 

COMMENTS
LINKS