Halkan Akhri; Maanso Baroor Diiq Ah Oo Abwaan Xasan Dhuxul Ka Tiriyay Geerida Xaaji Cabdi Waraabe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Akhri; Maanso Baroor Diiq Ah Oo Abwaan Xasan Dhuxul Ka Tiriyay Geerida Xaaji Cabdi Waraabe.
May 10, 2019 - Written by Editor:

Waa Qayb Ka Mida Maanso Baroor-Diiqa- oo Marxuum-

Xaaji Cabdi Waraabe Geeridiisa aan ka Tiriyay —

Dhanbaalku Xumaa, Dheguhu maqlayaan

Warkiyo dhacdadiyo, Dhiiladu ba’anaa

Dhalaan iska daa, ilmadu ka Dhacdee

Haday dhagaxdiyo, dhulkuba hadlayaan-

Tiirkaa dhacaybaa, Umado Dheerayn!

Markay Dhabaqdee, Taladu Dhacantee

Nin xuni dhirta iyo, Dhufayska Galee,

Qoryaha laba dhaca’ intay dhufsadaan

Makasta dhoohani, ku dhiiran jireen

Duqii dhab ahaan, samaha u dhashee

wixii dhib yimaad, dhamayn jirayee

Nabada dhidibkiyo, salkaba u dhigaa.

aakhiro u dhurtoo, xabaal la dhigee-

Muxuu dhagar Baajay, dhiig Qulquloo

muxuu dib u dhigay, balaayo dhacdoo

si ay u dhaqdaan, dadkani u dhistaan’

dheelkiyo Qabawgiyo, Dhaxamo u maroo-

U soo Jilib dhigay, Dharaara adkaa, –

 Xaqiyo Dhimashada, Adaa Dhigayoo-

Adoonka ka Dhaafa, Dunuub ka dhacdoo

Dhankaaga Adaan, Rabboow dhawrnoo

Dhamaan Gacmaan, Ku hoos Dhiganee-

Rabboow Dhaxalsi, Dhawaaqa Sanoo-

Rabboow dhibyaraan, dhexgee janadii ,

Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax-

 

COMMENTS
LINKS