“Aragtidayda Ku Wajahan Dib U Qaabaynta Amniga Somaliland”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Aragtidayda Ku Wajahan Dib U Qaabaynta Amniga Somaliland”Cali Guray.
May 11, 2019 - Written by Editor:

“Aragtidayda ku wajahan Dibu Qaabaynta Amniga Somaliland (Somaliland Security Sector Reform) waxa ka mid ah in Cutubka Gurmadka Deg degga Ah iyo Ka Hortagga Argagixisada loo bixiyo (Daraawiishta Somaliland) oo noqonaya ciidan si gaar ah u tabobaran una qalabaysan si gaar ahna loo soo xulay. Hadda RRU oo magac shaydaan ah dadkeenuna aanay fahmi karin baynu ogolnahay why not Darwiish instead of “Askari” oo af Hindi ah. Darwiish waa magac af carabi ah laakiin Somaliland micno gaar ah u samaynaya, gaar ahaan marka la leeyahay “Somaliland la wada leeyahay”

Ka dib israacii 1960kii Somalia wax badan May soo kordhin waxa badnaa inta ay Somaliland lahayd ee laga qaatay. Kow Xooga Dalka Soomaaliyeed waxa lahaa oo laga unkay “ Somaliland Scout” oo ahaa miltarigii Somaliland oo markii ugu horeysay la asaasay 1901dii ururkii ugu horeyay oo dhanaystay tababarka bishii May ee sanadkaasina Captain Swayn uu taliye ka noqday lixdankiina gaadhay 4 urur. Astaanta Xooga Dalka Soomaaliyeed waxay ahayd tii Somaliland Scout (Waran Iyo Gaashaan) Biladda ama istellaha shaadhka raqabadiisa ku xidhnayd waxa laga qaatay xisbigii NUF.

Ciidankii Daraawiishta waxa loogu magac daray Daraawiishtii Somaliland ee dagaalka kala soo horjwedsaday Ingiriiskii.

Astaanta Bilayska ee goodirka waxa iska lahaa Somaliland. Ilaa maanta astaamaha Somaliland iyo Somalia waa isku mid waana kuwii Somaliland gaarka isaga lahaan jirtay ka hor midnimadii 1960kii

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

 

COMMENTS
LINKS