Xildhibaan Mamduux Sheikh Oo Ka Sheekeeyay Casharkii 1Aad Ee Xaaji Cabdi Waraabe Siiyay Markii Uu Golaha Guurtida ka Mid Noqday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Mamduux Sheikh Oo Ka Sheekeeyay Casharkii 1Aad Ee Xaaji Cabdi Waraabe Siiyay Markii Uu Golaha Guurtida ka Mid Noqday.
May 12, 2019 - Written by Editor:

“Hadii Arab iyo Ciida-gale is dilay kee baad ku horeyn lahayd?” Casharkii Xaaji Abdikarin Xuseen Yusuf “Waraabe”.

Xildhibaan Mamduux Sheekh oo ka mida Goloha guurtida Somaliland ayaa sheegay casharkii ugu qiimaha badanaa ee uu Xaaji Abdikarin Xuseen “Abdi Waraabe” uu siiyey markuu golaha soo galay; Xildhibaanka oo dhalinyara. Xildhibaan Mamduux ayaa yidhi ” Waxay ahyd maalintii iigu horeysay ee aan Golaha u shaqo tagay, waxaan u imi odoyaal badan oo guurtiya, Ragg badan oo Abbo “Ahun” ay asxaab ahaayeen waanu is naqaanay. Waxa aan u imi Xaaji Abdikarin Xuseen Yusuf, waxa aan u sheegay magacayga. Wuxuu igu yidhi “Adeer magacaaga ma karayee ina sheekhow baan kuugu yeedhi” Waayahy baan ku idhi.

Xaaji Abdi ayaa si naxariis leh gacanta ii qabtay isagoo ii naseexaynaya Waxaanu igu yidhi “Adeer maanta waxan ku siinyaa cashar kii ugu horeeyey, Waxaan ku weydiinyaa Maanta hadii lagu idhaahdo Arab iyo Ciidagle ayaa is dilay kee baad u tagi lahyd? ”

Waan yaabey maskaxdaa xoog ii shaqeysay kuma soo talo galin, si weyn baan u fakaray, su’aalo badan baan is weydiiyey, dhinac aan u qaado waan garan waayey!.

Xaaji Abdi ayaa igu yidhi “Adeer waliga markaad waxaas oo kale maqasho waxa kale ha sameyn. Hadaba kii dhiban ku horee”

Runtii dareenkaygi baa hal mar isbadalay waxaan ka helay sida qiimaha le, Xikmadaysan, cabqarinmada leh, ee falsafdu ku dheehantahay ee uu ii fahan siiyey shaqada Odeytinimo! Maalinta ka dib wuxuu ii furay indhaha. Ma ilaawo waligay Halbeegaa miisaanka leh “Hadba kii dhiban Ku horee” ka cabashda wada ama wax tirsanaya, ama wax laga dilay, ama la weeraray, Kaas ku horee. Ayuu igu yidhi.

Waxaan shacabka somaliland ,guud dadka afsomaliga ku hadla, guurtida iyo qoyskii iyo qaraabadi ka baxay oday cabdi waraabe waxaan diray tacsi samir iyo iimaan aamin aamin

 

 

COMMENTS
LINKS