Sheeko Gaaban;Nin Salafi ah Oo La Weydiiyey Kutubta Sayid Qudub Miyaad Dhigataan?W/Q Cabdilaahi Beershiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheeko Gaaban;Nin Salafi ah Oo La Weydiiyey Kutubta Sayid Qudub Miyaad Dhigataan?W/Q Cabdilaahi Beershiya.
May 12, 2019 - Written by Editor:

Nin ay Ugu dameysay dhigashada diintu waqtigii ururka Waxdadu Hargeysa dadka wax u dhigi jirey oo magaalada muddo ka maqnaa ayaa soo galay goor maqrib ah masaajid ay ku badan yihiin dhallinyarta Salafiyiintu, markii salaadii la tukaday ee la kala dareeray ayuu woxogaa xiiseeyey nashaadka ( Dhaqdhaqaaqa) masajidka ka socda ee dhallinyarta badan is dhaafdhaafayaan, wuxu xasuustay waayo waayo iyo berigii ay sidaa oo kale ahaayeen… wiil ag fadhiyey ayuu kala sheekaystay barshada diinta dabadeed wuxuu weydiiyey adeer miyaad dhigataan kutubtii Zayid Qudub ee Dilaalul Qur’aan ( ظلال القران) iyo Macaalim Fi dariiq (معالم في الطريق) ka mid ahaayeen.. yarkii oo naxsan oo mooday in la weydiiyey masaajidka buugga piple-ka miyaad ku dhigataan ayaa ninkii ku yidhi .. Hayaay kuwaas Diini kuma Qorna xaaji…. anoo meel u dhow fadhiyey ayaa ku idhi adeer wuxuu modayaa inaad weydiisay Piple-ka miyaad dhigataan ee ugu celi su’aasha si uu u fahmo.. Wiikii isaga oo xunbaynaya ayuu meeshii ka kacay. ninkiina wuxuu mooday inuu gef geysty oo meeshii ayuu hore uga kacay…. waxa aan ka daba tuuray kacdoono ( Revolutions) badan ayaa kaa dambeeyey ee dib taariikhda u raac raac.

waa mid ka mid ah dhacdooyinka aan masaajidada ku arkay.

QALINKIIN; CABDILAAHI BEERSHIYA

 

COMMENTS
LINKS