Anshaxu Waa Biriishka U Dhaxeeya Yoolka Iyo Guusha!Qalinkii; Cabdiraxmaan Sayid Jeesto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Anshaxu Waa Biriishka U Dhaxeeya Yoolka Iyo Guusha!Qalinkii; Cabdiraxmaan Sayid Jeesto.
May 13, 2019 - Written by Editor:

Hadii aynu u tababbarano si xun, Waxaynu u ciyaaraynaa si xun, Sababtuna waa sida xun ee aynu u tababbaranay. Farqiga u dhaxeeya inaad guuleysato iyo inaad guul-dareysataa waa inaad wax Saxdo ama aad wax khalado, Adigoo hal-beegaagu yahay Samaan ama Surma-seeq, Wakiilka guusha bani-aadamku waa Anshaxa ama waxa la yidhaa dhibir-sanaanta oo kuu sahlaysa gaadhida hadafka nololeed ee aad leedahay manfaciisana aad dheefso leedahay.

Anshaxu waa nidaamka Akhlaaqda ama Edaabta leh ee aad ku baadi-goobeyso naadinta himiladaada , Shakhsiba shakhsiga uu ka anshax fiican yahay wuu kaga horeeyaa ka gun-gaadhida guusha waayo waxa uu dul socdaa biriishkii saxda ahaa ee isku xidhayey hiigsiga iyo libinta , Waxaaney suura-gal dhaw ama ehel u tahay ka bogashada xaalada dhadhaminta yoolka qof ahaaneed amaba shakhsi uu leeyahay.

Inaad habayso oo aad hagaajiso wadada loo marayo yoolkaagu waxay qayb libaax leh ka qaadanaysaa guushaada, Asturnaan samo ku dheehan qun-yar-socod iyo asluub ayaad ku mudanaysaa geesinimo aad ku hanato libinta kuu calamadsan, Hadii aad leedahay dhaqan suuban waxaad guulaysanaysaa laba jeer, Maxaa yeelay dur ama duul-duul malaha yoolkaagu sidaa darteed waxaad si toos ah isugu xidhatay gaabkii u dhexeeyey hadafkaaga fog iyo guusha uu dhalayo hadafkani.

Anshaxu waa aaminaada ay guushu kugu soo dhiiranayso sida ka muuqata ifa-faalaha talaabooyinkaaga qof ahaaneed, Waayo muraayada ku cabireysaa waa dhaqan kaaga waxaanay ugu danbaynta jaan-goynaysaa helida rabitaanka, Laakiin rabitaankani waxa uu ku xidhan yahay anshax wanaagaaga iyo waayeelnimadaada ruux ahaaneed, Anshaxu waa suuqa goynaya sixirka guusha qof bani-aadam ah u calaamadsan yadoo laga duulayo yoolkiisa ku xardhan maskaxdiisa.

Waa hiil aan ku hagranayn anshaxu isagaa ku iib-gaynaya kaana turjuma inta aad jirto ama xajmigaaga, Wixii intaa ka danbeeya waxa uu noqdaa khaydka isku xidhaya adiga , yoolkaaga iyo guusha, Yoolkuna waa hiigsiga ama himilada widh-widhaysa ee ay nooluhu ku hamiyaan iney gaadhaan qorshihiisa cayiman ee hilaada leh ayaa yool ah, Halka meesha lagu socdaa ay tahay guul ama lib waxa lagu gaadhayaa marka guusha hantigeeda loo eegayo waa Anshaxa.

Habkan cida fahantaa aduunka waa kuwa guuleysta ee lagu daydo ama yeesha taariikh fac-weyn oo lagu kalsoonaado waliba lagu daydo yaga laf-ahaantooda , Anshax ama asluub ayaa is dhaafisey Aadamahan raadinaya guusha nolosha ama yoolkooda raadcaynaya, Hadii adigoo hadaf leh hadana anshaxu waxoogaa kaa xumaado way adag tahay sidaad ku gaadho libinta kuu cabiran ee raaskeedu kuu sugan yahay, Dhisida anshaxu waa yagleelida deyr aan la jabin kareyn oo u samaysay Yoolkaaga taasoo aakhirkana dhalaysa Guul.

Author: Jim Rohn.

Turjumidii: Cabdiraxmaan Sayid Faarax jJeesto).

Diplomatic Analysts.

Gabiley /Somaliland.

COMMENTS
LINKS