Isa Saarka Lugaha Si Isweydaara Kulamada Madaxda & Dublamaasiyiintu Khalad Weyn Ayaa Ku jira!Suxufi Maxamed Cirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isa Saarka Lugaha Si Isweydaara Kulamada Madaxda & Dublamaasiyiintu Khalad Weyn Ayaa Ku jira!Suxufi Maxamed Cirro.
May 13, 2019 - Written by Editor:

Safiirka Ingiriiska iyo Madaxweynaha Somaliland: Waa Ceeb in Diplomaasiyiintu Cagaha Is-dulsaaraan Marka ay la Kulmaan Madaxda Dalalka Kale

Waa ceeb lid ku ah nidaamka anshaxa diblomaasiyadda caalamka in qofka diblomaasiga ah ama safiirka ah uu cagaha is-dul-saaro (crossed legged) marka uu la kulmo qof kale oo madax sare ah, waxayna taasi keeni kartaa in mararka qaar ay khilaaf diblomaasiyadeed ka dhex abuurto laba dal, iyadoo cagahaas la is-dul-saaray ay khalad tahay.

Bal aan soo qaadano dhacdooyin la xidhiidha diblomaasiyadda cagaha is-weydaarsada (cross legged diplomacy). Sannadkii 2012-kii ayuu Madaxweynihii waqtigaas ee dalka Iran Mr. Mahmoud Ahmadinejad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Peter Tiller oo ahaa Safiirkii dalka Sweden u fadhiyey Iran, waxaanna dhacday in ninkaasi safiirka ah uu cagaha is-dul-daaray, waxayna taasi ka cadhaysiisay Madaxweynihii Iran oo isaguna isla markiiba beddelay qaabkii uu fadhiyey, iyadoo uu cagaha is-dul-saaray.

Sida ay qoraan qaar ka mid ah saxaafadda dalka Iran, gaar ahaan wakaaladda wararka ee Fars News Agency markii kulanku dhammaaday, waxay sheegeen in Safiirku uu meel kaga dhacay nidaamka anshaxa diblomaasiyadda, balse waxay tilmaameen in Madaxweynahoodu uu markiiba si degdeg ah uga aargoostay falkaas uu sameeyey Safiirku.

Dhacdo kale, waxay ahayd kulan uu yeeshay Baarlamaanka dalka Turkiga sannadkii 2017 oo lagu xusayey sannad-guuradii aasaskiisa, ayaa lagu marti-qaaday dad badan oo ay ka mid yihiin safiirro iyo diblomaasiyiin kala duwan, kuwaasoo uu ka mid ahaa Safiirka Faransiiska u fadhiya Turkiga Ambassador Charles Fries, waxayna kamaraduhu qabteen madaxda baratakoolka Turkiga oo ninkaas Safiirka ah uga digaya in aannu cagaha is-dul-saarin ee uu u fadhiisto hab waafaqsan nidaamka baratakoolka diblomaasiyadda.

Dhacdada saddexaad ee aynu soo qaadanayno waxay ahayd mid dhexmartay dalalka Turkiga iyo Pakistan taariikhdu markii ay ahayd 24 January 2019, xiligaas oo Ra’iisal-wasaaraha Pakistan iyo madax kale oo wehelinaysay ay kulan la qaateen masuuliyiinta sare ee waddanka Turkiga, waxaana dhacday in diblomaasiyiin badan oo reer Pakistan ah ay u fadhiisteen qaab ay cagaha is-dul-saareen, arrintaasi oo markii dambe si xooggan loogu cambaareeyey, laguna tilmaamay inay sameeyeen wax ka baxdan nidaamka anshaxa dibplomaasiyadda.

Haddaba, waxa jirtay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu xafiiska Madaxtooyada ku qaabilsay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Amb. Ben Fender Isniintii maanta ee taariikhdu ahayd 13 May 2019, waxaanna dhacday in safiirku uu u fadhiistay qaab nidaam-darro ah, isagoo cagaha is-dul-saaray, weliba kabtiisu waxay si toos ah ugu beegnayd dhinaca Madaxweynaha Somaliland, iyadoo aannu Madaxweynuhu wax fal-celin ah ka samayn arrintaas ama uu u muuqdayba in aannu wax dan ah ka lahayn qaabka uu u fadhiyo ninka Safiirka ah, balse arrintan gorfaynta iyo faaladeeda waxa aan u dhaafay dadka reer Somaliland ee wax ka bartay arrimaha diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Halkan ka eeg links-ga dhacdooyinkan iyo waxyaabaha kala duwan ee laga qoray.

https://www.theatlantic.com/…/ahmadinejad-sweden-le…/320720/

https://www.turkishminute.com/…/french-ambassador-warned-n…/

https://www.samaa.tv/…/pm-imran-khans-team-caught-making-d…/

By; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro).

COMMENTS
LINKS