Berbera Iyo Waxa Aan Ku Soo Arkay! Qalinkii; Muhamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Berbera Iyo Waxa Aan Ku Soo Arkay! Qalinkii; Muhamed Dhimbiil.
May 14, 2019 - Written by Editor:

Magaalo xeebeedka Berbera waa magaalo ay ka socoto dedaal iyo horumar badan oo shicib iyo dawladba la wado, waxa aan si gaar ah u xusayaa dawlada hoose ee Berbera bilicda iyo quruxda ay ka hirgaliyeen magaalada Berbera oo mudan in la yidhaahdo wax wanaagsan baad qabateene halkaa ka sii wada.

Waxa kale oo iyaguna mudan in aan idhaahdo wax weyn baad qabateen ganacsatada hal-abuurada iyo shaqooyinka badan ka hirgaliyey magaalada Berbera , hal abuurkaasi oo wershado, hudheelo, ganacsiga badeecadaha kala duwan, wax dhoofinta iyo wax soo dejinta ku hawlan hadh iyo habeen oo aan leeyahay hore u socda oo dedaala dadkiinana wax tayo leh ugu dedaala , danyarta dalka iyo duruufaha ku gadaamana ha ilaawina.

Waxa aan booqday Dekeda Berbera oo ah dekeda ugu haboon dekedaha mandaqada ku yaalla oo ay gacanta ku hayaan shirkada Dp World, runtii waxa ka socday dhisme deked cusub , ha yeeshee ay iila muuqato in ay gaabis tahay qaabka wax loo wadaa marka aan eego awooda iyo dhaqaalaha shirkada Dp World .

Aragti ahaan Berbera in la maalgaliyo waxa aan ahaa dadkii fikir ahaan taageersanaa aadna u soo dhaweeyay in ay dekadeenu heshay maalgashi ay kula tartanto dekedaha mandaqada bariga Africa iyo jasiirada carabta, ha yeeshee qaabkii loo waday ee goleyaasha looga ansixinayey iyo kala hadalkii madaxdii somaliland ee wakhtigaasi uu shakiga weyn ku abuuray ee aad uga qayliyey waxii socday wakhtigaa.

Sidaasi oo ay tahay hadana waxa aan saluug ka qabay in mudada lagula heshiiyey oo ah mudo dheer oo u baahnayd in aad looga fiirsado maadaama oo ay soddon sano gacanta ku haynayaan dekedeena in lacagta lagu maalgalinayo iyo dekeda la inoo dhisayaa iyo waliba mashaariicda kale ee horumarineed ee la inoo qabanayaa ay noqdaan qaar aad uga miisaan weyn waxa maanta jira.

Dhacday oo la soo dhaaf shirkada Dp World Dekada Berbera waxa ay iila muuqataa mid aan u hagar bixin oo wali aan wax weyn oo muuqda meesha ka qaban , waxa kale oo isweydiin leh ilaa maanta ma garanayno baaxada dekeda lagu kordhinayo oo ah 400 meter mudo ay qaadan doonto dhismaheedu maadaama ay maamulkii iyo dhaqaalihii dekeda si toos ah ula wareegeen Dp World sanadihii ugu dambeeyay.

Qoraalkayga mucaaradad iyo cid ku xumee iyo cid ku taageer midna uma qorin ha yeeshee marka aan aqoonsanahay dhaqaalaha dalka UAE ee aynu siinay saldhiga military iyo Irmaanteenii Berbera iyo tartanada dekedaha wadamada jaararka oo mid walba dekadooda aad loo dhisay lana horumariyey ma arko sida loogu hagar baxay dekedaha kale in teena loogu hagar baxay.

Ma muuqato xulafada aynu taageernay ee aynu ka dhex aragnay danta somaliland in sidii aynu ugu lisnay inoogu hambeeyeen , oo xoolaheenii wali si rasmiya dalka Saudi Arabia uma iibsadaan wax aan ahayn balanqaad, sidaasoo oo kale UAE taageerada aynu ka helnaa iyo maalgalintii aynu ka sugaynay wax weyn oo macno leh kama soo muuqdaan marka la barbar dhigo xulafada kale maalgalinta iyo taageerada ay ka wadaan wadamada jaararka sida Somalia .

Aragtideya

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS