Talo Soo Jeedin Ku Socota Xukuumada Iyo Saxaafada!W/Q;Saxafi Maxamuud Jawhar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talo Soo Jeedin Ku Socota Xukuumada Iyo Saxaafada!W/Q;Saxafi Maxamuud Jawhar.
May 14, 2019 - Written by Editor:

War-fidiyeenku Bulshada Waxay Ugu Xilsaaran yihiin hawl mihiima, sida Tabinta wararka, barnaamijyada, warbixinada, iyo xogaha ka Dahsoon shacabka.

Hadaba saxaafaddu mar hadii ay ku hawlan tahay hawsha culayskaa leh waxa haboon inaanay aqbalin muuqaalada Vedio ga ee ay iska soo duubaan masuuliyiinta Dawlada ee wasaaradaha iyo haa’yadaha kala duwan. sababtoo ah Vedio yada layska soo duubo waa kuwo lagu soo sameeyey faafreeb (Censorship). islamarkana suxufiyiinta anay helayn xogta iyo faahfaahinta warka muuqalkisa loo soo diray ee Bulshadu ka sugaysay.taasinay waxay waxyeelaysaa sumacda suxufiga iyo xaruta uu ka hawl galo.

Xukuumada somaliland:- ha joojiso Curyaaminta Saxaafada si hufnaan ah ha ugu soo bandhigto Wararka iyo Ducmentiyada saxaafada si ay ugu gudato hawlaheeda shaqo.

Xukuumadu ha Ixtiraamto saxaafada oo ah tiirka 4aad ee Dawlada, ee yaanay u arkin cadaw Lidi ku ah dalka hana la wadaagto warbaahinta wararka iyo xogaha ay si kalsooni ku dheehantay hadii kale waxa badanaya wararka mala awaalka taasina xuukumada iyo shacabka waxay ku yeelan kartaa jahwareer.

QALINKII; MAXAMUUD XUSEEN JAAMAC(JAWHAR)

 

COMMENTS
LINKS