WAJAALE NEWS

Hargeysa: Diyaarad Shimbiro Xanibeen

Hargeysa (WJN)– Diyaarad ay leedahay shirkadda Air Arabia oo maalintii subaxnimadii Shalay 156 rakaab ah ka qaadi lahayd garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa waxa hakiyey Shimbiro gudaha u galay qaybo ka mid ah diyaaradda.

Diyaaradda ayaa markii ay ka kacday garoonka oo inyar ay hawada ku jirtay ayaa Duuliyihi diyaaraddu dareemay cilad jirta, waxaana uu markiiba si deg-deg ah dib ugu soo fadhiisiyay Garoonka Hargeysa ee Cigaal.

Khuburrada Diyaaradda ayaa markii dambe sheegay in Diyaaraddu bad-qabto, balse Rakaabkii ayaa diiday sida ay Wajaalenews u sheegtay mid ka mid ah Rakaabka diyaaradda raaci lahaa oo Cimrada u socotay.

Rakaabka ayaa saaka loo kala qaybiyay laba qaybood.

120 ka mid ah oo u socday in ay soo Cimraystaan ayaa saaka la saaray Diyaaraddii ciladda looga shakiyay, balse hadda la sheegay in ay bad-qabto, 36 kale oo u socday isu-tagga Imaraadka Carabtana waxa la saarayaa Diyaarad kale.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version