“Tujaartu Cashuurta Ma Bixiso Ee Danyartaa Bixisa..” Wasiirka Arrimaha Gudaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Tujaartu Cashuurta Ma Bixiso Ee Danyartaa Bixisa..” Wasiirka Arrimaha Gudaha
May 15, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Ganacsatada waaweyni aanay bixinin Cashuurta ku waajibtay, balse Mushaharka Ciidammada iyo Dhakhaatiirta Dalka lagu bixiyo  Cashuurta laga qaado Ganacsatada yaryar.

“Tujaartu Cashuurta ma bixiso ee Danyartaa bixisa..” Wasiirka Arrimaha Gudaha

Wasiir Maxamed Kaahin oo Maanta xog-warran siiyey Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Mar kasta waxaynu u baahanahay in Qaranka iyo Dadka danyarta ah loo hiiliyo, Tujaartu Cashuurta ma bixiso ee Danyartaa bixisa, Askarigeena iyo Umulisada waxa (Mushaharkeeda) bixisa Habarta Wadhatada ah ee suuqa fadhida, miyaa la inaga aqbalayaa inaynu Qaranka sidaa ku hoggaamino oo Ninkii lacagta lahaa laga baqo.”

Wasiirku wuxuu sheegay in Qaranku amnigooda ilaaliyo Ganacsatada iyo Lacagtoodaba “Nimankaa Amnigooda ayaynu ka shaqaynaa, Lacagahan Xawaaladaha ee la isku celcelinayo tuurta ayaynu ku sidanaa oo Shandado ayaynu ku sidnaa, Dawladda iyo Baankuna way ogol yihiin in Maalin walba in Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ay intaas oo boqol oo Milyan ay ka soo (…), waa Dawladda qudha ee Adduunyada oo dhan sidaa ogol..”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Dawladda lagala shaqeeyo sidii loola dagaalami lagaa Sicir-bararka.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS