Reer Galbeedka oo Ka Xamaan Ururrsanaya Ciraaq, Ka Dib Xiisadda IRAN Iyo USA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Reer Galbeedka oo Ka Xamaan Ururrsanaya Ciraaq, Ka Dib Xiisadda IRAN Iyo USA
May 15, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Dawladaha Netherlands iyo Jarmalka ayaa joojinaya Hawl-gallo ay ka wadeen Dalka Ciraaq, ka dib markii ay soo baxeen Cabsi amaan-darro.

Telefiishanka RT ayaa baahiyey in Dawladda Netherlands ay Jarmalka ku raacday inay joojiyaan hawl-galladii ay ka wadeen Ciraaq, hawl-galladaasi oo ay ka mid ahayd Tababbaro ay siinayeen Ciidammada Ciraaq, iyagoo taageeraya Maamulka Dalkaasi.

Warka sheegaya in Holland joojinayso Hawlihii ay Ciidammadeedu ka wadeen Ciraaq ayaa soo baxay, ka dib markii ay kor u kacday Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Dalka ay Ciraaq jaarka yihiin IRAN.

Reer Galbeedka Oo Xamaan Ururrsanaya Ciraaq, Ka Dib Xiisadda IRAN Iyo USA

Wasiirka Difaaca ee Jarmalka ayaa goor sii horraysay ku dhawaaday inay joojiyeen hawl-galladii ujeeddadoodu ahayd Tababbarrada Ciidammada Ciraaq, laakiin tallaabadan ayaa ku xidhiidhsan Xiisadda Maraykanka iyo Iran oo Gobolka laga dareemayo.

Wakaaladda Wararka ee Holland, ANP news agency ayaa baahisay go’aanka Holland ee ah inay joojisay Hawl-galladii ay ku taageeraysay Dalka Ciraaq.

Dhanka kale, Warka Jarmalka iyo Holland ayaa soo baxay, ka dib markii Maraykanku uu shaqaalihii ka joogay Safaaraddiisa Baqdaad iyo Qunsuliyaddiisa ku taalla  Erbil  uu ugu baaqay inay sida ugu deg-degga badan uga baxaan.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS