Weriye Jeelka Laascaanood Loo Gudbiyey Xukun La’aan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weriye Jeelka Laascaanood Loo Gudbiyey Xukun La’aan
May 15, 2019 - Written by Reporter:

Laascaanood (WJN)- Maxkamada magaalada Laascaanood ayaa la keenay maanta weriye Cabdi Keyse Tungub iyadoo ay wadaan ciidanka Booliska gobolka Sool.

Maxkamada ayaa su’aalo weydiisey Tungub kuwaas oo ay ka mid ahaayeen inuu sameeyey kacdoon ku lid ah 18ka Mey, taas oo uu u sheegay in aanay waxba ka jirin balse xadhiga dhakool uu war ka diray.

Si kasta ha ahaatee maxkamada ayaa samaysay 7 maalmood oo xabsi xalaalayn ah oo loo gudbiyey xabsiga weyn.

Bahda saxaafada gobolka Sool ayaa ku da’daalayey sidii ay isfahan uga abuuri lahaayeen suxufigan xidhan iyo Maamulka gobolka.

 

Wajaalenews Desk

Laascaanood Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS