Ururka SOLJA oo Hargeysa Ku Qabtay Shirkii Afraad Ee Culimadda iyo Suxufiyiinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka SOLJA oo Hargeysa Ku Qabtay Shirkii Afraad Ee Culimadda iyo Suxufiyiinta
May 15, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa qabtay kulankii Afaraad ee culimada iyo Suxufiyiinta waxaana lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Kulankaas ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaaliil Cabdilaahi Axmed, Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto),  Agaasimaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi, qaar kamid ah Culimada Dalka iyo suxufiyiinta ka hawlgasha  Somaliland.

Kulanka ayaa waxa soo qaban qaabiyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Maktabadda Al-Bashiir waxana kulanka culimada iyo suxufiyiinta kaalin mug leh ka qaadanayey Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, qaar ka mid ah culimada dalka iyo shirkada True-cable.

Ugu horayna waxa kulankaas ka hadlay Agaasimaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi waxaanu sharraxay kulankan iyo ujeeddada loo qabtay, waxaanu  suxufiyiinta kula dardaarmay inay ku camal falaan casharka qiimaha badan ee ay culimadu ujeediyeen.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo u mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaadatay qabsoomida kulankaas, sidoo kale waxa uu suxufiyiinta kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan bisha barakaysan ee Ramadaan fadaa’isheeda.

Gabagabadiina waxa kulanka furay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, isagoo wacdi diini ah u jeediyey suxufiyiintii kulankaas ka soo qayb gashay, isla markaana kula  dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fadaa’isha bisha barakaysan ee Ramadaan.

Kulanka culimada iyo suxufiyiinta ayaa Waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS