Wasaaradda Diinta iyo Culimada oo Baaq U Diray Ganacsatada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Diinta iyo Culimada oo Baaq U Diray Ganacsatada
May 15, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Baanka Dhexe iyo qaar kamida Culimada waaweyn ee Dalka ayaa maanta ka hadlay Doolarka qiimihiisu dhacay iyo kor u kaca Shilinka Somaliland iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada.

Agaasimaha guud ee Baanka dhexe  Axmed Xasan Carwo, ayaa sheegay in boqolkiiba 20% uu hoos u dhacay Sarrifka Doollarku sidaasi darteedna looga baahan yahay ganacsatada inay jabiyaan Maceeshadda quutal-daruuriga ah oo ay ku iibiyaan halka uu taagan sarifku.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Sheekh Ismaaciil Dheeg, Sheekh C/raxmaan Yaasiin, Sheekh C/raxmaan Axmed oo kamida Culimo awdiinka Somaliland waxaanay sheegeen sida aanay shareecadda Islaamku u ogolayn in halka qiimaha baddeecadaha wax  lagu kordhiyo.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland sheekh Khaliil C/laahi Axmed ayaa sheegay in ay isugu yeedheen imaamyada masaajidada qaar ka mid ah oo ay kala hadleen isbeddelka lacagaha iyo sidii logu salayn lahaa sarrifka lacagta shilinka Somaliland  maciishadda quutal daruuriga ah iyo alaabooyinka kale ee ay Iibiyaan.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS