Xukuumadda oo Ka Hadashay Qalab Cusub oo Loo Soo Iibinayo Dekedda Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda oo Ka Hadashay Qalab Cusub oo Loo Soo Iibinayo Dekedda Berbera
May 15, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Maareeyaha guud ee Dekedaha  Berbera Siciid Xasan C/laahi ayaa ka hadlay isbeddelka horumarinta Dekedda Berbera.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo u warramay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahiyey  farqiga u dhexeeya koontiinarada ka soo degi jiray xiliyadii hore iyo waxa iska bedelay wakhtiyadan danbe.

 Maareeyuhu wuxuu  sheegay in markii hore Dekedda ay ka soo degi jireen 5400 oo Koontiinar bishii halka imikana  ay bishii ka soo degaan 15000 oo Koontiinar,  taasina ay caddaynayso faraqiga u dhexeeya xiliyadii hore, koboca iyo horumarka ku yimid Dekedda.

Maareeye Siciid Xasan C/laahi wuxuu intaas ku daray  in muddooyinkan danbe ay ka gaashaanteen sidii loo yareyn lahaa shilalka iyo waxyeelada ka dhacda gudaha Dekedda,  taasina ay ku guulaysteen kadib markii ay tababarro dhanka badbaadada ah siiyeen shaqaalaha ka hawlagala marsadda.

 Sidoo kalena waxa uu sheegay In Dekedda Berbera ay markii hore aheyd mid ku kooban Somaliland, balse imika ay tahay mid la jaanqaaday dekedaha kale ee Caalamaiga ah.

Maareeyaha dekeduhu wuxuu  ka hadlay dhismaha Dekeddii cusbayd ee 400 mitir ahayd oo dhismaheedu bilaabmay.

Siciid Xasan C/laahi waxa uu sheegay in sannadka 2020 Dekedda Berbera ay soo iibsan doonto qalab Casriya oo lagu sii horumarinayo Dekedda iyada oo qalabkaasina ay ka mid yihiin Taagag cusub.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Berbera Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS