Maayarka Boorama oo Ka Hadlay Khasaare Hantiyeed oo Ka Dhashay Roob Ka Da’ay Magaalada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Boorama oo Ka Hadlay Khasaare Hantiyeed oo Ka Dhashay Roob Ka Da’ay Magaalada
May 15, 2019 - Written by Reporter:

Borama (WJN)– Guddoomiyaha degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi ayaa maanta ka warbixiyey Roobab dabaylo watay oo shalay ka da’ay Boorame, kuwaas  oo khasaare hantiyeed gayastay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Boorama  Saleebaan Xasan Xaddi ayaa soo kormeeray goobihii uu roobkii shalay ka da’ay Boorame uu waxyeelada soo gaadhsiiyey, isagoo kulan warbaahineed uu qabtay ku sheegay inaanay jirin wax khasaare nafeed ah, balse ay jirto mid hantiyeed kuwaas oo isugu jira guryo iyo goobo ganacsi oo dumay, isla markaana wuxuu  dadweynaha degan degmadaas iyo nawaaxigeeda uga digay inay ka fogaadaan biyo mareennada.

Dhinaca kale , waxa uu Guddoomiyuhu baaq u diray shirkadaha dhismaha oo uu sheegay inay dhib ku hayaan isu socodka bulshada, gaar ahaan kuwa waddada ku dhaw oo uu sheegay inay xanibeen meelihii biyuhu ka bixi lahaayeen.

Guddoomiyaha degmada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xaddi, waxa uu digniin u diray shirkadaha qashinka ka shaqeeya ee degmadaasi oo uu ku tilmaamay inay habacsanaani ku jirto shaqada ay bulshada u hayaan, isagoo xusay inay dib u eegis ku samayn doonaan adegyada bulshada ee ay gacanta ku  hayaan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Borama Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS