Somaliland oo Joojisay Shiidaalka Ka Yimaada Dalalka Jaarka Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland oo Joojisay Shiidaalka Ka Yimaada Dalalka Jaarka Ah
May 15, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa maanta joojisay shidaalka dhinaca xuduudaha dalka ka soo gala ee ka yimaada dalalka jaarka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Mustafe Godane Cali Bille, oo maanta xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ku  sheegay inay joojiyeen shidaalka dhinaca xuduudaha ka soo gala dalka, kaas oo uu ku sababeeyey inaan tayadiisa la xaqiijin karin maadaama oo meelaha uu dalka ka soo galo aanu oolin qalabka lagu baadho shidaalku.

Agaasimhuhu wuxuu intaas ku daray inuu khatar ku yahay kaydka haamaha shidaalka Berbera oo uu yaallo laabkii shidaalka lagu baadhayey arrintaasina ay tahay mid qaran, sidaa awgeedna la joojiyey shidaalkii dhinaca xuduudaha ka soo galayey dalka.

Wuxuuna  Ganacstada dalka u soo jeediyey inay u hoggaansamaan go’aankan, isagoo intaas raaciyey in cidii lagu qabto shidaal sharci darro ah lagala wareegi doono shidaalka, gaadiidka sidaana la ganaaxi doono.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS