Ciidanka Dab-damisku Shaqadoodii Markii Ay Guteen, Ayey Ku Darsadeen Badbaadintii Dadka!W/Q;Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab-damisku Shaqadoodii Markii Ay Guteen, Ayey Ku Darsadeen Badbaadintii Dadka!W/Q;Barkhad-ladiif.
May 15, 2019 - Written by Editor:

Ciidanka dab-damiska magaaladda Hargeysa ayaa maanta badbaadiyey ilmo yar oo Suuli (Musqul) lagu riday, kaasi oo ay ka soo saareen isagoo nool.

Ciidanka Dab-damiska ayaa lagu soo wargaliyey inay badbaadiyaan ilmo yar oo lagu riday suuli dhererkiisu qiyaas ahaan ahaa 10 Mitir oo ku yaalla xaafadda Octobar ee degmadda Axmed dhagax ee magaaladad Hargeysa.

Sidoo kale, waxa hawlgalkaasi kula jiray maayarka Caasimadda C/raxmaan Soltelko oo ku wareejiyey cisbitaalka guud ee Hargeysa oo hadda lagu daweynayo.

Ciidanka dab-demiska ayaa laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta sameeyay badbaadooyin iyo samatabixino iyadoo ay u dambaysay kaalintii ciidanku ka geystay gurmadkii roobabkii khasaaraha geystay ee hal maalin ka hor ka dhacay gudaha Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale waxay hore u badbadiyeen neef geel ah oo ku dhacay bulaacad weyn taas oo ay ka soo saareen.

Ciidanka dab-damiska bakhtiinta dabka waxay ku darsadeen badbaadinta dadka suuliyada iyo bulaacadaha ku dhaca iyo mararka roobabku da’aan oo hawlgalo balaadhan sameeyaan.

 

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

COMMENTS
LINKS