“Dadkii Uu Xabadda Ku Dilay Looma Haysto Tuke Iyo Qayrkii Toona,Isagu Wuxu Dheeraa Dadkii Uu Nolosha Ku Gubay”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dadkii Uu Xabadda Ku Dilay Looma Haysto Tuke Iyo Qayrkii Toona,Isagu Wuxu Dheeraa Dadkii Uu Nolosha Ku Gubay”Cali Guray.
May 16, 2019 - Written by Editor:

“Dadkii uu xabadda ku dilay looma haysto Tuke iyo qayrkii toona. Isagu wuxu dheeraa dadkii uu nolosha ku gubay waana kiiska ay maxkamadiisi ka bilaabantay dalka Maraykanka oo markhaatiyadii goobjoogahaa ku cadaynayaan. Dhacdadan ayaa ah mid ku kooban shakhsi gaar ah waxanay ka baxsan tahay dhaqanka soomaalida, diinta islaamka iyo xuquuqda aadamaha intaba.

Soomaalidu way isdili jirtay laakiin gubistu kumay mid ahaan jirin hubka ay isku dili jireen.

Dunida maanta xukunada muslinka waxa cadaaladda uga dhaw kuwa aan muslinka ahayn. Tuke inu cadaalad heli doono waa suurtogal waana hadba sida garsoorka Maraykanku yahay ee shareecadq Iskaamka maaha xeer soomaalina maaha. Waxa laga yaabaa in todobaadka dambe xukunka maxkamadu ku dhici doono laakiin waxa u furan sidii Cali Samatar inu racfaan ka qaato.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS