Kooxda Afduubtay Dhaqaatiirta Udhashay Dalk CUBA Oo Dalbatay Lacag Madax Furasho ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Afduubtay Dhaqaatiirta Udhashay Dalk CUBA Oo Dalbatay Lacag Madax Furasho ah.
May 16, 2019 - Written by Editor:

Mandheera (W,N)-Odayaal dhaqameed ku howlanaa ka qeyb qaadashada sii deynta dhaqaatiir u afduuban Al Shabaab ayaa shaaciyay natiijada ay kala soo kulmeen xubnaha Al Shabaab ee heysta dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xubnaha Aftuubtay dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo gaareyso 1.5 Milyan oo doolarka Mareykanka, sida odayaasha dhaqanka ay sheegeen.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in dadka afduubtay dhaqaatiirka ay marka hore ahaayeen koox burcad ah, balse markii dambe ay u gacan geliyeen Al Shabaab, taasi oo xaalada ka sii dartay.

Odayaasha dhaqanka ayaa Al Shabaab-ka afduub ahaan u heysta dhaqaatiirka dalka Cuba, waxay kula kulmeen deegaan u dhaxeeya Bu’aale iyo Deegaanka Ceel Cadde, waxayna dalbadeen lacagtaasi si ay usii daayaan dhaqaatiirka.

Odayaal ka kala socda Magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera ayaa ragga afduubka u heysta dhaqaatiirta kula kulmay tuulo ku taalla howdka u dhaxeeya labada Magaalo waxaana ay dalbadeen Hal Malyan iyo bar Doollarka Mareykanka ah.

Warbaahinta dalka Kenya gaar ahaan TV-ga Citizen ayaa baahiyay in Kooxda heysata dhaqaatiirta u dhashay Dalka Cuba ay dalbadeen $1.5Milyan oo lacagta Mareykanka ah.

Odayaashii loo diray wada xaajoodka lagu soo deynayo raggaas ayaa soo qaaday dalabka kooxda afduubka heysata, waxaana ay hadda wadahadal kula jiraan dowladda Kenya, mana jirto jawaab ilaa iyo hadda Kenya kasoo baxday.

 

COMMENTS
LINKS