Caruurtaada & Kuwa Kale!Qalinka:Axmed Cisman Batuun. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caruurtaada & Kuwa Kale!Qalinka:Axmed Cisman Batuun.
May 16, 2019 - Written by Editor:

*Diinteenu waxay tidhi

*Derbi jiifka buuxiyo

*Danyartiyo agoomaha

*La dareen ahaadoo

*Farxadaha halagu daro

Ugu horrayn aan is xasuusino xaaladaha nolosha ee xiligan oo adag iyo culayska dhaqaale ee bulshada, intaa ka ka dib

Sanad kasta bishan oo kale waxaan bulshada la wadagaa

Qoraal kooban oo ka hadlaya qayb ka mida dadkeena kaasi aan is leeyahay waxtar ayuu u keeni karaa dadka uu maqaalkani ka hadlayo.

Sida ka muuqata ciwaanka qormadani waxay ka hadlaysaa ubadka ku nool geyigeena ee u kala baxa danyarta,derbi jiifka iyo inta bahwadaagta la ah oo aan is leeyahay xilbaa dhamaanteen inaga saaran.

Dareen ahaan waxaa ila quman in aynu farxada maalmaha ciida ee soo socda intii ilaahay ku simo aynu wadaagno dhamaanteen oo aynaan ka farxin keliya ubadkeena,ehelka iyo inta aynu guryaha masuul kaga nahay,taasina masuuliyadeedu bulshada dhamaan inay saarantahay waa hubaal diinteena islaamkuna way iftiimisay, waxaase ugu horrayn aan ku talin lahaa in dawladu il gaara ku eegto gaar ahaan derbi jiifka oo xil gaar ahi ka saaranyahay.

Sidaa si la mid ah waxaan fariin u dirayaa dadka hantiileyaasha ah ee sadaqooyinka bixiya bishan oo kale inay xusaan una dhug yeeshaan ubadka la deriska ah iyo kuwa xarumaha agoomaha iyo meelaha la hal maala ku nool ee aan heli karin inay farxada la qaybsadaan bulshada maalmaha ciidaha sababo dhaqaale awgood kuwaasoo inaynu ka farxinaa ay farxadeena tahay dhamaanteen.

Qurbojoogta iyo ururada ka shaqeeya arimaha taakulaynta

Iyagana waxaan u soo jeedinayaa inay kaalintooda ka qaataan sidii aynu u ciidsiin lahayn ubadka yar yar ee la midka ah kuweena meel ay joogaanba inagoo iskaashi muujinayna.

Geesta kale bahda warbaahinta ee aan ka tirsanahay guud ahaan waxaan iyagana ka codsanayaa inay codkooda iyo baahidooda bulshada u bandhigaan ubadkaasi iyo qoysaskooda taasoo keenaysa in lagu baraarugo.

Qof kastaa ha qiimeeyo oo ha is dareensiiyo niyad jabka ku imanaya ilmaha jaarkiisa ama degaan kula nool oo arkaya ilmaha aad dhashay ee aad dharka qurxoon ugu lebistay oo aad gacanta hayso lana damaashaadayso iyo isaga oo ka qatan farxada maalintaasi.

Ugu danbayn inagoo isku duuban oo kaashanayna cidaha ay shaqadooda tahay kuna haboon iyo dadka ehelka u ah tabarucaadka isla markaana hubinayna inaynu jidkii saxda ahaa marinay gargaarka aynu u hurayno dadkeena aynu fadhiga uga kacno arrintaasi.

Waxaan rajaynayaa in baaqani u fuli doono sida aynu ugu talogalnay insha allah.

Qalinka:Axmed Cisman Batuun

FADLAN GAADHSII DAD KALE

ALLAA MAHAD LEH

COMMENTS
LINKS