Xildhibaano Ku Taliyay In Sharci Adag Loo Sameeyo Shirkadaha Korontada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaano Ku Taliyay In Sharci Adag Loo Sameeyo Shirkadaha Korontada.
May 16, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida, ayaa ku taliyay in shuruuc adag loo sameeyo shirkadaha korontada oo marka ay roobabku curtain ay waayiradoodu gaystaan khasaare nafeed.

Xildhibaan Maxamed Warsame Cali iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn Xildhibaan Maxamed Warsame Cali uu hadalkiisi ku bilaabay “Nimco wali nusqaan leh, ALLENA waxaynu ma baryeynaa inuu ina siiyo nimco bilaa nusqaan ah, laakiin cid baajin karta ma jirto wax walba oo ALLE qadaray, laakiin waxaan qorshe xumo ah in meel la degay iyada oo laag ama biyo mareen ah marka aynu jilaalkii ku jirno in haddana lala sugo wakhtiga gu’ga, waxaan odhan lahaa meel kasta oo laag ah ama biyo mareen ah ha laga guro, oo ha lagaga tabaabushaysto, oo yaan la isku halayn, maxaa yeelay daadku khatartiisa ayuu leeyahay, ciddii ku dhimatay roobkii inoo da’ay waxaanu ALLE uga baryayaa inuu u naxariisto, oo uu janadii ka waraabiyo, cidda waxyeeladu ka soo gaadhayna inuu caafimaad siiyo, ta kale waxaan Xukuumadda ugu baaqayaa oo aan leeyahay waa inay shuruuc adag ka soo saarto laydhadhkan dusha mara, maxaa yeelay Hargeysi waxay noqotay magaalo dusha ka miinaysan, oo marka uu roobku da’o wadnaha ayaa farta lagu wada qabtaa, maxaa yeelay inta badana khasaaraha laydhka ayaa dad badan galaafta, markaas in waayirada  laydhka in dhulka hoostiisa la mariyo ayaa wanaagsan, in shuruuc adag laga soo saarana waa mid meesha ku jirta oo loo baahanyahay”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh), oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi “Aad iyo aad baan uga xumahay khasaarihii ka dhashay roobkii da’ay, laakiin in marka uu roobku da’o aad loo taxadiro, oo waliba aad looga taxadiro ilaalidaha biyuhu maraan iyo dooxyada ayaa wanaagsan, ta kale in marka uu roobku da’o in mishiinada laydhadhka la bakhtiyo ayaa iyana wanaagsan, si aanu u dhicin khasaare nafeed, ta kale in goobaha biyo mareenada ee la dagay in aad looga durko oo aad looga fogaado ayaa wanaagsan, runtii inta ay dadku degaan meelaha biyo mareenada ayey haddana marka uu khasaare ku dhaco ay calaacalayaan, markaas aad ha loo feejignaado.”

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS