Abwaan Sacad Oo Gabay Baroordiiq Ah Ka Tiriyay Geeriddii Xaaji Cabdi Waraabe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Sacad Oo Gabay Baroordiiq Ah Ka Tiriyay Geeriddii Xaaji Cabdi Waraabe
May 16, 2019 - Written by Editor:

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile oo ugu baroordiiqaya geeriddii naxdinta lahayd ee ku timid Xaaji Cabdi-kariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeisa.

Gabaygu wuxuu ku bilaabmayaa sidan:

Ma fadhiyo warkii xumi dugsiye, taar ku soo dira’e

Geeridii cabday daabaceen, damaq xanuunkeede

Duni lagu ma waaraay hadana, lagu dagmaayaaye

Ninweyn maalintuu kaa durkaad, doorki garataaye

Tacsi waxaan u dirayaa dalkiyo, hurrinti daa’uude

Doodiisi hadal xaajigii, lagu dawoobaayey

Deriskuu wallaalayn jiree, kala dabqaadaayey

Geed damal hadhweyn buu ahaa, samaha doonaaye

Qaran daajiyoo noo ahaa, aan dugsanaynaaye

Dugsi iyo waxbarashuu ahaa, aan ku dayanaaye

Dawladnimada tiir buu ahaa, deyr ku xeernaaye

Waayo-arag da’weyn buu ahaa, guurti noo dirane

Dalka dib-u-dhiskiisiyo ilaa, dib-u-heshiisiinta

Daacadnimo waxaa lagu yiqiin, damin collaadeede

Doorroone wuxuu noo ahaa, duubka reeraha’e

Dadkoo kala durkiyo beelahoo, deero miranayso

Dirirtiyo collaadaha dabkuu, naga bakhtiinaayey

Doorroone wuxuu noo ahaa, dawlad gooniya’e

Dunxariira duub quruxsanow, hadal ku deeqsiiye

Duurxul iyo sarbeeb iyo kolkuu, daahir wax u sheego

 

Doodiisa hadal waxay ahayd, daawadoo kala’e.

Afartaa dalleeyee haddii, aan doc kale eego

Dimuqraadinimadiyo kolkay, doorashadu joogto

Ee duubka madaxweynanimo, diric la saaraayo

Ama baarlamaan iyo deggaan, la isku duubaayo

Ama xeer dib-loodhigahayiyo, doorasho isriixdo

Rag baa hadalka duulduuliyoo, dawga kaa lumine

Digniin iyo dabuub iyo waxsheeg, duurxul iyo sheeko

Dareenkuu mar qudha jeedin jiray, shicibka oo daawan

Ayaa madashi daadihin kolkii, talo la doonaayo?

Dami waa khilaafkii kolkuu, dib isu soo laabo

Ama duminta madaxweynihii loo, dabshidanaayo

Ee hebelba hebel uu duree, dacarta leefsiiyo

Ee deriska labaddeena golle, dogob ka qiiqaayo

Ruux kastoo dedaalaa markuu, dib uga soo maago

Hala doono xaajigi ninkii, talo ku deynaynay

Duco iyo dalliil wuxu furfuro, la isma diidayne

Markay dabacdo xaajadu ayaa, soo dabaal odhani?

Dunxariira duub quruxsanow, doobta ka higgaadshe

Dooxadii hargeysiyo ilaa, faafan iyo doolow

Dibad iyo gudaa laga yiqiin, degalka soomaale

Godkii daayin nuuryow muxuu, danaha noo dhawray.

Afartaa dalleeyee mid kale, idin dareensiine

Taariikhda duugoobin baan, kuu dulmarayaaye

Ninkii aabihii dilay kolkii, lagu dardaaraayey

Soomaali dhiig daatabay, darajo moodaaye

Laba danab kolkii lagu daree, degelki uu gaadhay

Daruur hoortay goortay dul timid, dibada loo diidye

Duddo aqal duqsoonaa kolkii, darinta loo geeyey

Milgo soorka deeq iyo waxsiin, lagu durduursiiye

Dil ninkii u qoolnaa kolkuu, daafta hore geeyey

Dallaalimada saantii kolkuu, dul uga waabaayey

Loo diid darroorimo inuu, dhibic ku daataaye

Isaguna dareen-celin kolkuu, dib isu maareeyey

Damiirkiisu siin waa inuu, aarsaduu dila’e

Wuxu yidhi dabuub hadalsan oo, gelay diwaankiiye

“Ma dil baan u quudhaa ninkaa, dhibicda noo diiday?”

Loo sheeg wuxuu dabacsanaa, deeq allaa timide

Dunbuquu dib uga laabay ee, doonay inan tiisa

Duco iyo qabuul baa ka dhacay, doonis faadumo’e

Guyaal badan kolkay doonanayd, inanti loo diiqye

Dadab iyo aroos looga deyr, damaladii hawde

Ninkii samaha doonaba illaah, deeqdi wuu heliye

Waatii cimriga loogu daray, da’iyo dheeraade

Inagana waxay deris u tahay, Inan is daynaaye

Oo dil iyo laayaanta wali, dan uga guurnaaye.

Afartaa dareershee haddaan, ducada soo gaadho

Rabbiyow daciif baanu nahay, oo dad baan nahaye

Adna daayin baad tahay khalqiga, waad u dabac daaye

 Ergo duco ah mooyee ma wado, dood kaloo furane.

Danbidhaaf illaahay ku sii, doonis samohiiye

Daaraha jannada ee dugsoon, dadab laguu xeerye

Webiyada jannada ee durdura, lagu dabaalsiiye

Waxaad doonto oo idil illaah, daafta kuu keenye

Janno daaqadeedana qabriga, adi laguu daarye

Ku dakee sariiriha jannada, guri laguu daahye

Dhar xariira midab doog qurxoon, dahab laguu keenye

Midho daraya oo duulayana, dabac laguu siiye

Xuuralcaynta dumarkii jannada, quruxda loo daawan

Camalkaagi daaciyo wanaag, daayin kugu soorye

Anaguna markaan kula degnee, kaa dib imanayno

Muslimkaba intii daacadee, diinta lagu deeqay

Ee daayinkoodii aqbalay, dunida guudkeeda

Bustaanada jannada ee udgoon, wada damaashaada.

AAMMIIN, AAMMIIN YAA ALLAAH

Abwaan Xasan Roodhiile.

COMMENTS
LINKS