Laascaanood: Is-rasaasayn Sababtay Dhimashada Sarkaal Booliska Somaliland Ka Tirsanaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laascaanood: Is-rasaasayn Sababtay Dhimashada Sarkaal Booliska Somaliland Ka Tirsanaa
May 16, 2019 - Written by Reporter:

Laascaanood (WJN) – Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhintay is-rasaasayn la sheegay inay dhex-martay Askarta Saldhigga Booliska ee Bariga magaalada Laascaanood caawa cawayskii.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in uu ku dhintay israsaasayn ka dhacday carun ay degan ka degan yihiin ciidanka loo yaqaan RRU oo qayb ka ah Booliska bariga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Israsaasayntan ayaa wararku sheegayaan in ay u dhexaysey ciidanka dhexdooda, taas oo inta badan magaalada laga maqlayey, balse ay adag tahay sida warkeeda loo helo maadaama falkani uu ka dhacay xero ciidan dhexdeed.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Booliska Somaliland ee heer Qaran iyo heer gobol toona oo dhacdadan cawayskii xilligii salaaddii Taraawiixda amma Cishe ka dib Laascaanood ka dhacday.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS