Dowladda Mareykanka oo Taalibaan U Celinaysa Kharashkii Kaga Baxay Ka Qeybgalka Shirarkii Dooxa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Mareykanka oo Taalibaan U Celinaysa Kharashkii Kaga Baxay Ka Qeybgalka Shirarkii Dooxa
May 17, 2019 - Written by Reporter:

WASHINGTON. D.C (WJN) – Maamulka madaxweyne Trump ayaa in muddo ahba doonayay in Taalibaanka dalka Afqaanistaan uu dib ugu celiyo kharashaadkii kaga baxay wadahadallada nabadda ee dhawaan ka dhacay dalka Qadar, sida uu sheegay mas’uul ka shaqeeya Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka.

Afhayeen u hadlay xildhibaan ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa BBC-da u sheegay in waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ay horraantii sanadkan codsatay kharash lagu bixiyo cunnada iyo jiifka ergada Taalibaanku ku matalaya kulamadaasi nabadda.

Balse codsigaasi ayaa la diiday sababo la xidhiidha cabsi ah in arrintaasi ay ka dhignaan karto taageero sharci darro ah oo la siiyay argagixisada, sida uu sheegay mas’uulkaasi.

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon wali kama ayna hadlin arrintaasi.

taalibaan

Tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2018-kii, magaalda Doxa ee dalka Qadar waxaa Mareykanka iyo Taalibaan ku dhex maray lix kulan oo ka mid ah wada xaajoodyada nabadda, waxaana ujeedadu ahayd in la fududeeyo sidii Mareykanka uu dalkaasi Afqaanistaan kaga baxi lahaa qaab nabdoon.

Lacagta ay dalbatay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa la doonayay in lagu bixiyo kharashka ururka Taalibaan uu ku bixiyay ka qeybgalka kulamadaasi nabadda, gaar ahaanna cunnada, jiifka iyo gaadiidka ay isticmaalayeen ergada Taalibaan, sida uu sheegay Kevin Spicer, oo ah afhayeenka xildhibaanka laga soo doorto Indiana, Peter Visclosky.

taalibaan

“Waaxda gaashaandhigga ayaa sanad maaliyadeedka 2020-ka codsatay in dhaqaale loo qoondeeyo taageeridda hawlaha dib-u-heshiisiinta, sida in xubnaha Taalibaanku laga caawiyo fududeynta safarrada, waxaana waaxdani ay bishii March ee saandkii 2019-ka, guddiga maaliyadda u dirtay warqad ogeysiis ah oo ku saabsan in arrimo noocaasi ah lagu bixiyay kharash sanad maaliyadeedka 2019-ka,” ayuu yidhi Spicer.

Arbacadii dhaweyd ayaa guddi-hoosaadka arrimaha gaashaandhigga ee aqalka wakiilada Mareykanka oo uu guddoomiye u yahay xildhibaan Visclosky waxa uu ansixiyay hindise-sharciyeed waaxdaasi loogu qoondeeyay lacag gaadheysa 690.2 dilyan oo doolar, balse waxaa laga mamnuucay in Taalibaanku loo celiyo kharashkii uga baxay ka qeybgalka kulamada nabadda.

Hindise-sharciyeedka maamulka lacagahaasi ayaa dhigaya in lacagtani aan loo isticmaali karin “bixinta kharashka xubin ka tirsan ururka Taalibaan ee ka qeybgalaya kulan ayna qeyb ka ahayn xubnaha dowladda dalka Afqaanistaan ama kulan dumarka loo diiday in ay ka qeyb galaan”.

Afhayeenka xildhibaan Visclosky ayaa sheegay in xildhibaanku uu qodobkaasi ku soo daray hindise-sharciyeedkani sababtoo ah, dalabka wasaaradada gaashaandhigga ee ah in Taalibaanku loo celiyo kharashkii uga baxay ka qeybgalka kulamadani ka dhacaya dalka Qadar waxa uu lidi ku noqonayaa sharciga mamnuucaya in taageero dhaqaale la siiyo koox argagixiso ah.

taalibaan

Xildhibaanka ayaa go’aankasi u cuskaday ” weerarrada dagaalyahannada Taalibaanku ay ku qaadaan ciidamada Maraykanka iyo diidmada ay diideen in ay aqoonsadaan dawladda Afgaanistaan ama xitaa xuquuqda haweenku ku leeyihiin bulshada dalkaasi Afqaanistaan”.

Wadahadallada nabadda ee u dhaxeeya Taalibaan iyo dowladda Mareykanka ayaa imanaya xilli Mareykanka uu ka fikirayo qorshe uu lugta ugala baxayo colaaddii ugu muddada dheereyd ee soo marta taariikhda Mareykanka inta la ogyahay.

Wadahadalladani ayaa diiradda lagu saarayay sidii qaab nabdoon ay dalka Afqaanistaan uga bixi lahaayeen ciidamada Mareykanka, waxaana taa badalkeeda Taalibaanku ay tahay in uu damaanad qaado in dalkaasi Afqaanistaan aanu gabbaad u noqon doonin kooxaha shisheeye ee mintidka ahi ama aanu dalkaasi halis ku noqon doonin ammaanka caalamka oo dhan.

Ururka Taalibaan oo haatan ka hor gabbaad siiyay Cusama Bin Laadin ayaa sheegay in aanu aqbali doonin xabbad joojin ilaa iyo inta ciidamada shisheeye ay ka baxayaan dalkaasi, waxa uuna ururkaasi diiday in dowladda Afqaanistaan uu wada xaajood la galo.

taalibaan

Taalibaanka ayaa dowladda Afqaanistaan u arka mid dabadhilif ah oo uu Mareykanka ku khasbayo dadka dalkaasi, sidaa awgeedna ayna ahayn in iyada uu wada xaajood la galo.

Dad badan oo rayid ah ayaa sannadkii hore lagu diley dalkaasi Afqaanistaan marka loo eego sanaddadii ka horreeyay, waxaana tirada dhimashada dadka rayidka ah ee ku dhintay colaadda dalkaasi sanadkii 2018-ka lagu sheegay 3,804 oo qof.

Sidoo kale in kabadan 2,400 oo askari oo Mareykan ah ayaa naftooda ku waayey colaadda dalkaasi, waxaana wali ciidamada Mareykanka lagu bartilmaameedsadaa gudaha dalkaasi oo ay halis badan kala kulmayaan.

 

Source: BBC

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS