Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Itoobiya oo Laga Cabsi Qabo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Itoobiya oo Laga Cabsi Qabo
May 17, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN) – Isbeddelka siyaasadeed ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay inaan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn karo maadaamaa ay horyaallaan caqabado aad u badan.

Warkan oo aan ka soo xigannay FANA ayaa sheegaya in shirka guddiga fulinta lagu lafa guray qorshaha ammaanka dalka oo mudda hal sano ah dalkaasi laga hirgeliyey iyo caqabadaha dhinaca ammaanka ee hortaagan..

Wuxuuna shirku uu dib u eegis ku sameeyey caqabadaha dhinaca ammaanka hortaagan, howlaha aan qabsoomin iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen.

Sida lagu sheegay bayaan ay guddiga fulintu gabagabada shirka ka soo saareen ayaa lagu sheegay in wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi ay noqotay hay’adaha amniga ee isbeddelka la taaban karo ku tallaabsaday xagga qaab dhismeedka iyo dib u habeynta howl maalmeedka wasaaradda.

Hase ahaatee, shirka uu yeeshay guddiga Fulinta wuxuu walaac aad u weyn uu ka muujiyey xaaladda amni ee dalka oo qayba badan oo dalka ka mid ah ay sii murgeyso.

Wuxuuna Guddigu uu carrabka ku dhuftay qabyaaladda, hubka sharci darrada ah oo dalka siyaaba badan u soo galaya, isku dhacyada beelaha oo dalka ku soo badanaya oo sababay malayiin barakacayaal ah iyo dowlad deegannada oo isku haysta dhulka xadka ah ee ay wadaagaan.

Arrimahaasi oo oo ay sii huriyaan wararka been abuurka ah ee lagu tabiyo baraha bulshada kuwaas oo mararka qaar sababa dagaal gacan ka hadal ah oo dhiig badan uu ku daato.

Wuxuuna ugu dambeyn shirka guddiga fulinta uu ku soo gabagaboobay isaga oo sheegay waxyaabaha amniga dalka halis gelin kara in wixi hadda ka dambeeya in gacan bir ah loola tago si wax waliba lagaga horreysiiyo xasiloonida dalka.

Haddaba dadka u kuur gala siyaasadda dalkaasi Itoobiya ayaa waxay ku doodayaan in amni darrada iyo guud ahaan xaaladaha aan xasilneyn ee ka taagan dalkaasi ay ugu wacan tahay isbeddelka ka dhacay dalkaasi in uu u dhacay si ka duwan isbaddalada siyaasadeed ee ka dhaca wadammada kale ee dunida.

EPRDF Executive Committee concludes meeting

Wajaalenews Desk

Addis Ababa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS