Diyaar Garowga Xuska 18 May oo Laga Dareemayo Guud Ahaan Gobolada iyo Degmoyinka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaar Garowga Xuska 18 May oo Laga Dareemayo Guud Ahaan Gobolada iyo Degmoyinka Somaliland
May 17, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Waxaa guud ahaan magaalooyinka waa weyn iyo degmyiinka ee Somaliland ayaa maanta ilaa caawa laga dareemayaa diyaar garowga xuska maalinta 18-ka May oo ah maalintii ay Somaliland gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Ardayda, ganacsata, siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ku dhaqan deegaanada Somaliland  ayaa dhamaantood u diyaar garoobay xuska 18 May.

Waxaana sidoo kale caawa jidadka magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ka socda dabaal degyo waa weyn, Wadooyinkana waxaa lagu arkayaa Calanka Somaliland oo sudhan.

Image result for xuska 18 may

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalooyinka Somaliland, iyadoona xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya iyo dalalka deriska ah la dhigtay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo ka hortagaya falalka amni daro.

Xuska 18 may ee la qabto ayaa bilowday kadib markii 1991 Somaliland qaadatay go’aan ay kaga baxday Soomaaliya inteeda kale.

Dhinaca kale waxa Somaliland ku soo qulqulaya wufuud culus oo ka kala timi wadamada jaarka iyo wadamada caalamka iyo weriyeyaaal ajaanib ah oo ka qayb galaya Xuska maalinta qaranka ee 18 May.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS