Dhakhaatiirta Caafimaadka Ee Dawlad Degaanka Soomaalida oo Dibad-bax Ka Dhigay Jigjiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhakhaatiirta Caafimaadka Ee Dawlad Degaanka Soomaalida oo Dibad-bax Ka Dhigay Jigjiga
May 17, 2019 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN) – Dhakhaatiirta Caafimaadka ee degaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa dibad-bax nabadaysan isugu soo baxay banaanka wayn ee Cisbitaalka Sheekh Xassen Yabarre ee magaalada Jigjiga.

Dhakhaatiirtan ayaa ka cabanaya daryeel la’aan, iyo inaysan helin haba yaraatee xuquuqdii uu Dhakhtar lahaa oo dhan, sidoo kale waxay ka cabanayaan daryeel la’aanta xarumaha Caafimaadka iyo Cisbitaallada degaanka oo ay ka jirto baylah badan.

Dhakhaatiirtan Degaanka Soomaalida ayaa sidoo kale dibad-baxan ku taageeraya Dhakhaatiirta dalka Itoobiya oo iyaguna maanta meelo badan oo dalka ka tirsan ka dhigaya dibad-bax ay xuquuqdooda ku dalbanayaan.

Dhakhaatiirta dalka Itoobiya gaar ahaan kuwa degaanka ayaa ah kuwo badanaa aan helin xuquuqdooda, isla markaana ka dhex shaqeeya Cisbitaallo iyo xarumo caafimaad oon loo dhammaystirin adeeggii dadka wax loogu qaban lahaa.

 

Wajaalenews Desk

Jigjiga Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS