Xukuumaddii Siilaanyo Waxay Kaga Wacnayd Tan Madaxweyne Muuse…. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumaddii Siilaanyo Waxay Kaga Wacnayd Tan Madaxweyne Muuse….
May 18, 2019 - Written by Editor:

“Xukuumadii Axmed Siilaanyo Waxay lahayd Guurti Rag Iyo Gabdho leh Oo Xaajadii Xumaataba Xalkeeda Soo Dhiraan-Dhiriya”Kalshaale.

  1. Dhegeysiga Cabashooyinka
  2. Dejinta Xiisadaha.
  3. Kasbashada Mucaaridka iyo xidhiidhinta ayaamaha lagama maarmaanka ah
  4. Abaabulka Shacabka.
  5. Dulqaadka Siyaasiga ah iyo xagtimaha Bulshada kaga imanaya
  6. Kor u qaadista Ilaha Dhaqaalaha
  7. Ku dhiirashada wada-xaajoodyada dibada.
  8. Xeelladaha Siyaasaddeed ee Maamulka Soomaaliya lagula tartamayey.
  9. Furfurnaanta Siyaasaddeed iyo Maamul ee Xafiisyada muhiimka ah.
  10. Qaban-qaabada iyo isku-dubaridka Xuska maalinta Qaran #18 #May oo aan rikoodhkay gaadhsiisay cidi kula tartami Karin.
  11. Ka jawaabista tabashooyinka Bulshada kaga yimaada Dawladda oo aanay dhegaha ka furaysan jirin.
  12. Waxay lahayd Guurti Rag iyo Gabdho leh oo Xaajadii xumaataba xalkeeda soo dhiraan-dhiriya.
  13. Wada-shaqaynta iyo kasbashada goleyaasha Baarlamanka oo gaadhay ilaa heer isku-milan u muuqday.
  14. Diyaarinta istaraatiijiyadaha Siyaasiga ah.
  15. Xukuumaddani qodob qudha ayey kaga wanaagsan tahay, kaasoo ah Handaraabka Qasnadaha Lacagta, balse lama mahadin faa’idooyin ka dhashay.

Aragti ka fog xag-xagasho Ku dar..

Qalinkii; saleebaan  Cabdi Cali (kalshaale)

COMMENTS
LINKS