Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Dhambaal Hambalyo Ah Udiray Ciidamada Qaranka Jsl Xuska 18may. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Dhambaal Hambalyo Ah Udiray Ciidamada Qaranka Jsl Xuska 18may.
May 18, 2019 - Written by Editor:

“Ciidamada Qaranku Waa Astaanka Lagu Garto Iyo Laf Dhabarta Dhismaha Dawladnimo, Waxaana Amaan Mudan  Taliyaha Guud Ee Qaranka Jsl”Siyaasi Rashiid.

HARGAYSA(W,N) Siyaasi rashiid jaamac dhari (Sheekhul axmar) oo kamid ah Siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee wadani ayaa dhambaal hambalyo ah udiray guud ahaan shacabna Somaliland iyo ciidamada qaranka jamhuriyada somailand ee ku kala sugan xuduudadaha dalka iyo difaaca qaranka munaasibada xuska 18may awgeed isagoo ilaahay uga baryayay in iyaga xaasaskooduba sanad sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.

Isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi; “Waxaan maanta Goob joog ka ahaa munaasibada xuska 18may gaar caasimada hargaysa waxyaabaha sida wadaniyada leh isoo jiitayna waxaa kamid ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada somalland iyo waxyaabaha ay runtii halkaasi kusoo bandhigeen inagoo og in ay yihiin kuwa aan hadh iyo habeenka ka seexan ilaalinta iyo difaaca qarannimada Somaliland mid ilaa tukaraq galbeen.

Waxaan halkan  shucuub ay ku dheehan tahay wadaniyad dhambaal hambalyo ah ugu dirayaa ciidamada qaranka iyo hogaankooda waxaan leeyahay shacabka Somaliland waa og yahay halka aad ugu jirkaa guulaysa marwalba,

“Ciidamada Qaranku Waa Astaanka Lagu Garto iyo Laf dhabarta Dhismaha Dawladnimo, Waxaana amaan mudan  Taliyaha guud ee qaranka Jsl Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo runtii isagu Dadaal iyo jugdi galiyay dhismaha ciidanka” ayuu yidhi siyaasi rashiid jaamac dhari.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS