WAJAALE NEWS

Aqoonyahan Phd Candidate ah Oo Reer Muqdisho Ah Oo Wax ka Qoray Tabliiqa Siyaasaddeed Samatar Iyo Galaydh.

SOMALILAND: Waa Maxay Macnaha ka Dambeeya Tabliiqa Siyaasadeed Ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galayr?

Walaalayaal, Mucjisooyinka ayay ka mid tahay in qofka Soomaaliga ah uu subax walba kuula yimaaddo weji cusub. Sayid-kii oo yaabban, waa tuu lahaa ‘Musuqmaasuq Soomaali, waa meheraddeediiye / hadba midab hor leh ayay kuula imaan, maalin iyo leyle’. Waxaa iga yaabiyey dhaqdhaqaaqa ay maalmahaan gobollada waqooyi (Somaliland) ka wadeen Emeritus Professor Axmed Ismaaciil Samatar iyo Emeritus Professor Cali Khaliif Galayr (Title-ka Emeritus Professor, waxaa la siiyaa markii nin Professor ah uu shaqadiisii macallinimo isaga tago ama ka retire-garoobo).

Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galayr, waxay waayadaan dambe ku dhex jireen waxa ay ugu yeereen ‘Tabliiq Siyaasadeed’. Adduunyada, meel siyaasad la tabliiqo, ama lagu tabliiqo, waxaa ugu horreysa Somaliland, ee taas ogaada. Waxaa taas ka sii daran, iyagu ma aaminsana waxa ay tabliiqayaan, mana isku raacsana sida ay u tabliiqayaan, iyo halka ay ka tabliiqayaan. Si kale haddii aan u dhigo, labadaas oday, ma aaminsana wax la yiraahdo Somaliland, waayo jiritaanka Somaliland wuxuu ku jaango’an yahay 18 of May 1991, iyaguna taas ma aaminsana, oo si cad bey ugu sheegaan shacabka Somaliland, kamana qariyaan.

Si kastaba ha ahaadee, Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galayr, ma jidho wax allaale iyo wax ay aaminsan yihiin. Xitaa labadooda ayaan is aaminsanayn, oo is dacweeyey 2002-dii, oo warqado iska qoray. Run ahaantii, mid-ba keligiis ayaa is aaminsan, oo u haysta inuu Soomaali ugu cilmi iyo caqli badan yahay. Caqligu waa meeshiisee, cilmi inay dadka kale ka badan yihiin ma sheegan karaan. Waa laga cilmi badan yahay, oo cilmiga waxaa lagu qiimeeyaa scholarly knowledge production. Sidaas awgeed, midkood-na wax weyn ma soo bandhigin, oo weligood waxba kuma daabicin madbacad jaamacadeed (university press).

Cali Khaliif Galayr, isagu weligiis wax buug cilmi ah ma uusan qorin, balse halka buug ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo buugga kale ee ay isla qoreen Professor Terrence Lyons, mid waxaa daabacay Zed Books (oo aan university press ahayn), midka kalena mac-had Mareykan ah (oo aan university press ahayn). Haddaba, haddii ay yiraahdaan, ‘Soomaali annaga ayaa ugu aqoon badan’, su’aasha ugu horreysa ee gaaladu weydiinayso waxay noqonaysaa ‘ma cilmi cusub ayaad ku soo kordhiseen Somali Studies, oo waxaad cilmi-baaristiina ku daabacdeen university press?’. Markii uu wareeray, oo uu la qabsan waayey hababka cusub, ee casriga ah, ee social science research methodologies, wuxuu markii dambe Axmed Ismaaciil Samatar sameystay journal uu isagu iska leeyahay, oo la yiraahdo Bildhaan, oo wax allaale iyo wuxuu doono uu ku daabacdo. Taas-na, gaallada oo ah kuwa cilmiga adduunka maanta qiimeeya, kuma qiimeynayaan cilmi sare.

Sida muuqata, Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galayr, wax runta u sheega, oo si critical ah, oo cilmi ah, ula dooda ayay waayeen. Haddeer, waxay ku heshiiyeen inay Somaliland, oo nabad iyo dimoqraadiyad ay ka jidho, ay naxuusiyaan. Waxay isugu sheekeeyeen, “soddon sano ayaanu Somaliland la dirireynay, waana ka adkaan weynay, ee aan caloosheeda galno, oo gudaha ka duminno”. Waxaa ii muuqata inay arrintaas ka keeni doonaan guulo waaweyn, waayo Somaliland baan aqaan, oo si fiican baan u dersay; kama dhex waayayaan kuwo badan oo ay garabsadaan. Haddaba, haddii aan la dersin oo la fahmin taariikhdooda iyo wixii ay Somaliland ka qoreen Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galayr, lama fahmayo meesha ay u socdaan. Waa in la akhriyaa qoraallada ay Somaliland ka gudbiyeen sannadihii 1991 iyo 1992, ee ay ka geeyeen shirarkii ka dhacay Paris iyo Washington (nuqullo ka mid ah waxaa laga helayaa maktabadda Jaamacadda London ee SOAS).

Axmed Ismaaciil Samatar, isagu waaba ka sii daran yahay Cali Khaliif Galayr, oo wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee soo bandhiga liiska Golihii Wasiirada Somaliland ee 1991, oo uu mid waliba ku hoos qoray qabiilkiisa. Inta la ogyahay, isaga ka hor, weligeed ma dhicin Gole Wasiirro oo qabiiladooda la soo bandhigo. Axmed Ismaaciil Samatar, wixii uu jideeyey, illaa iyo maanta ayaa lagu socdaa, oo mar kasta oo wasiirro cusub la magacaabo, waxaa lagu hoos qoraa qabiilladooda, si gaalada loo tuso in Isaaq uu sedbursi ku haysto dadka kale ee dhulkaas kula nool. Rasuulku (CSW), wuxuu yiri, ‘kan waxa xun jideeya, wuxuu helaa jizadeeda’.

Ilaahow shartooda na mooti Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galayr. Ilaahow, waa bil Ramadaane, kheyrkooda soo aadi ummadaada. Ilaahow soo hanuuni, oo ku qasab inay wanaagga ka shaqeeyaan, oo ay ilaaliyaan nabadda ay dhex mushaaxayaan iyo dimoqraadiyadda ay dhex-joogaan, ummadda-na u ilaaliyaan. Ilaahow ku soo rid habeen madow maskaxda Muuse Biixi Cabdi inuu midna u magacaabo Guddiga Dib-u-heshiisiinta (Cali Khaliif Galayr), kan kalena Guddiga Waxbarashada (Axmed Ismaaciil Samatar). Ilaahow waafaji, marka la magacaabo, inay si daacad ah ugu shaqeeyaan ummadaada. Ilaahow adiga ayaa weyn, oo waaxid ah.

Maxamed Xaaji Ingiriis,

Oxford University, Phd Candidate

United Kingdom

Exit mobile version