Neymar oo la dagaallamaya fadeexad culus oo soo wajahday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Neymar oo la dagaallamaya fadeexad culus oo soo wajahday
June 2, 2019 - Written by Reporter:

Xiddiga kubadda cagta ee dalka Brazil Neymar Jr ayaa beenisay eedeyn la xidhiidha inuu haweeney kufsi ugu geystay magaalada Paris.

Dacwad loo gudbiyay ciidamada booliska ee magaalada São Paulo ayay haweeneyda kufsiga ka cabaneysa ku sheegtay in falkaas uu ka dhacay hoteel ku yaalla magaalada Paris, halkaasoo ay ka dhisan tahay kooxda Paris St-Germain ee uu Neymar u ciyaaro.

Neymar ayaa isagoo isku dayaya inuu caddeeyo inaanu wax khalad ah sameynin waxa uu baraha bulshada soo dhigay wax uu ku sheegay qoraalladii ay Whatsapp-ka isku weydaarsadeen isaga iyo haweeneydaas.

.

Ciyaartoga ayaa hadda ku sugan waddanka Brazil, wuxuuna la tababaranayay xulka qaranka oo isku diyaarinaya tartanka Copa América.

Maxay tahay eedeyntu?

Sida ku xusan xogta booliska, haweeneyda oo aan magaceeda la shaacinin ayaa Neymar ka baratay barta lagu xidhiidho ee Instagram-ka, wuxuuna ka codsaday inay ku kulmaan magaalada Paris.

Wuxuu ka bixiyay lacagta ay ku raacday diyaaraddii ka qaadday Brazil ee geysay Faransiiska, wuxuuna dajiyay hoteel qaali ah oo ku yaalla magaalada Paris.

Markii uu Neymar tagay hoteelka 15-kii bishii May, wuu cabsanaa, sida ay ku eedeysay haweeneyda.

“Markii ay wada hadleen oo ay ismaandhaafeen, Neymar wuu xanaaqay, wuxuuna sameeyay qalalaase, isagoo damcay inuu xidhiidh jinsi la sameeyo haweeneyda oo aan raalli ka ahayn”, ayaa lagu yidhi qoraalka booliska.

Qoraalka oo lasii amba qaaday ayaa lagu yidhi: “Labo maalmood ka dib, haweeneydii waxay ku laabatay Brazil, iyadoo aan dhacdada ku wargalinin booliska Faransiiska, sababtoo ah aad bay u ciishooneysay waxayna ka cabsaneysay inay arrintan fadeexadda ah ka diiwaan galiso waddan kale”.

Muxuu yidhi Neymar?

Bayaan ay eedeynta ka dib soo saareen kooxda maamulka u ah ciyaartoyga ayey ku cambaareeyeen sheegashada ‘been abuurka ah’ ee lagu fadeexeeyay Neymar, waxayna aad uga cadhoodeen arrinta foosha xun ee warbaahinta lagu shaaciyay.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in haweeneydaas ay dooneyso inay lacag baad ah ka qaadato Neymar, iyadoo ku marmarsiiyooneysa inuu u geystay kufsi.

Neymar qudhiisa ayaa si toos ah uga hadlay arrintan, wuxuuna sharraxaaddiisa ku bixiyay muuqaal 7 daqiiqo ah oo uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka.

Muuqaalka uu soo dhigay ciyaartoygan, oo aan wali guursanin, ayuu soo raaciyay qoraal ku qoran luuqadda boortaqiiska oo micnihiisu ahaa “lacag baad ah oo la iga rabo awgeed, waxaan ku khasbanaaday inaan soo bandhigo arrimaha khaaska ah ee ku saabsan aniga iyo qoyskeygaba”.

Neymar aabihii oo lagu magacaabo Neymar dos Santos ayaa sidoo kale gaashaanka ku dhuftay eedeymahan, wuxuuna sheegay inay iska caddahay in arrintani ay tahay dabin.

Neymar diyaar ma u yahay Copa América?

Weeraryahanka kooxda PSG ayaa hore looga xayuubiyay kabtan nimada xulka qaranka Brazil, tallaabadaas oo qeyb ka ahayd ciqaab dhinaca anshaxa ah oo dhawaan la marsiinayay.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta ee dalka Faransiiska ayaa xiddigan ka mamnuucay saddex ciyaarood, ka dib markii uu feedh ku dhuftay qof taageere ah, markii kooxdiisa ay bishii lasoo dhaafay guul darro qadhaadh kala kulantay kooxda Rennes oo ay la ciyaarayeen fiinaalka tartanka Coupe de France.

Waxaa sidoo kale lagu soo warramay inuu qeyb ka ahaa buuq ka dhacay qolka labiska ee ciyaartoyda.

Tartanka Copa América, oo ay ku loollamaan dalalka koonfurta Ameerika ayaa Brazil ka dhacaya 14-ka bisha Juun ilaa 7-da bisha Luulyo.

Neymar ayaa talaadadii Tababarka laga joojiyay markii uu jilibka ka gaadhay dhaawac fudud, lamana xaqiijinin inuu saameyn ku yeelan karo ciyaaritaanka tartanka iyo inkale.

 

COMMENTS
LINKS