DAAWO;-“Somaliland Waa Mucjiso Kasoo Baxday Goob Halis ah” Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Dalka UK, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-“Somaliland Waa Mucjiso Kasoo Baxday Goob Halis ah” Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Dalka UK,
June 7, 2019 - Written by Editor:

Dawladda Ingiriiska Oo Caddeysay Inay Somaliland Kala Shaqeynayso Doorashada Baarlamaanka, Kuna Ammaantay Guulaha ay Gaadhay

UK(W,N) Xildhibaan Stephen Doughty oo Su’aalo Somaliland Khuseeya Baarlamaanka ka hor Weydiiyey Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah

Wasiirul-dawlaha Iskaashiga caalamiga ah dalka UK, Mr. Rory Stewart, ayaa ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tallaabasatay Guullo wax ku ool ah, waxaanu caddeeyey inay kala shaqeyn doonaan Doorashada Baarlamaanka ee soo socota.

Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Ingiriisku wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu  yeeshay baarlamaanka  UK , oo  Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ee laga soo doorto Koonfurta Cardiff uu  wax waydiiday inay  Dawladda UK Somaliland kala shaqeynayso  Saameynta  isbeddelka Cimilada Adduunka, Doorashada  soo socota ee Baarlamaanka  iyo Wadahadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

https://youtu.be/1DAs0BDxUps

COMMENTS
LINKS