Maxay tahay sababta u horseeday Paul Pogba in uu ku biiro diinta Islaamka? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay tahay sababta u horseeday Paul Pogba in uu ku biiro diinta Islaamka?
June 12, 2019 - Written by Reporter:

Ciyaartoyga u kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Faransiiska Paul Pogba ayaa ka sheekeeyay sida uu kusoo galay diinta Islaamka iyo waxyaabihii u horseeday inuu muslim noqdo.

Wareysi uu siiyay wargeys kasoo baxa dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo The Times ayuu ku sheegay in isaga aanu hore muslim u aheyn balse hooyadiis ay heysatay diinta islaamka.

Pogba ayaa xusay ‘in markii hore uu su’aalo iska weydiiyay waxyaabaha ku khasbay inuu islaam noqdo balse markii uu diinta qaatay uu qalbigiisa u xasilay’

Paul Pogba xilli uu ku sugnaa magaalada barakeysan ee Maka

Ciyaartoygan caanka ah ayaa waaggii hore si weyn u damcay inuu ku biiro diinta islaamka, waxa uuna billaabay inuu baadhitaan ku sameeyo diinta si uu u fahmo, isagoo la socon jiray saaxibo badan oo ka dhaadhiciyay diinta islaamka.

Paul Pogba waxaa uu yidhi “Diinta islaamka waxay iga digtay qof sidii hore ka wanaagsan”

Bishii lasoo dhaafay, waxaa baraha bulshada lasoo geliyay Paul Pogba oo la sawiran difaaca kooxda Chelsea Kurt Zouma xilli ay acmaashooda cumrada ku gudanayeen magaalada barakeysan ee Maka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in diinta islaamka ay bartay mahadcelinta iyo qaddarinta dadka.

“Waxay diinta islaamka ii horseeday isbaddal, qalbiga ayay ii dejisay, nolosheyda waxaa ku yimid isbaddal, hore ma aanan u aheyn qof muslim ah inkasta oo ay hooyaday aheyd qof muslim, sidaas ayaan kusoo barbaaray, waxaan qaddariyaa qof kasta” ayuu yidhi Pogba.

Markii la weydiyay sababta u horseeday in uu muslim noqdo waxaa uu yidhi “waxaan leeyahay saaxibo badan oo islaam ah oo aan had iyo jeer sheekeysanno”.

Pogba waxaa uu sidoo kale sheegay in markii uu saaxibadii la tukaday salaadda uu si weyn u jeclaaday diinta, isla markaasna ka dhigtay qof islaam sax ah.

“Islaamka maskaxda ayuu ii furay, qof ka wanaagsan sidii hore ayuu iga dhigay…Islaamka waxaa uu na farayaa qaddarinta aadanaha” ayuu yidhi Pogba.

Paul Pogba ayaa waxaa uu kamid yahay tiirarka waaweyn ay ku taagan tahay kooxda Manchester United, waxaa uu ka ciyaaraa khadka dhexe, waa nin ay si weyn ay ugu faanaan taageerayaasha kooxda.

COMMENTS
LINKS