Frank Lampard: Chelsea waa inay siisaa Derby County £4m si ay u soo fasaxaan tababarahooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Frank Lampard: Chelsea waa inay siisaa Derby County £4m si ay u soo fasaxaan tababarahooda
June 15, 2019 - Written by Reporter:

Tababare Maurizio Sarri ayaa lagu wadaa in la xaqiijin doono inuu badeli doono tababarihii hore ee kooxda Juventus Max Allegri, Lampard ayaa loo badaniyaa haddaba inuu Sarri badeli doono.

Sikasta oo uu xaal ahaadase, Chelsea ayaa aan wali wax xidhiidh ah la sameyn kooxda Derby.

Related image

Lampard ayaa kooxda Chelsea waxa uu u qaaday 11 koob mudadii 13-ka sanadood aheyd ee uu ka ciyaarayay garoonka Stamford Bridge.

Kooxda Chelsea iyo kooxda ku guulaysatay horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa Khamiistii waxa ay ku heshiiyeen qaabka uu noqonayo heshiiska ay ugu kala wareegayaan tababare Sarri, iyadoo la filayo kooxdan ka dhisan dalka Talyaaniga inay bixin doonto £5 milyan oo magdhaw ah si ay ula soo wareegto Sarri.

COMMENTS
LINKS