Senegal oo u xoog sheegatay Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Senegal oo u xoog sheegatay Kenya
July 2, 2019 - Written by Reporter:

Sadio Mane ayaa laba gool u dhaliyay xulkiisa Senegal waxaana guul darro la hoyatay Kenya.

Senegal ayaa iska xaadirisay wareegga 16 ee koobka Qaramada Qaaradda Afrika.

Sadio Mane oo afka hore uga ciyaara Liverpool ayaa qaybtiii hore ee ciyaarta beer dareeyay rikoodhe waxaana ka qabtay gool hayaha Kenya Patrick Matasi, balse laba jeer oo kale ayuu shabaqa ku hubsaday.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 waxaana goolasha kala dhaliyay Ismaila Sarr.

Senegal ayaa wajihi doonta Uganda 5 July ciyaartaas oo ah wareegga 16 oo ciddii laga badiyo ay tartanka ka hadho.

Kenya ayaa wali rajo leh oo ka mid noqon karta afarta kooxood ee ugu wanaagsan kuwa kaalinta saddexaad ku jira, balse arrintaasi waxay ku xidhan tahay natiijada ka soo baxda ciyaaraha u dambeeya ee group ka E iyo waliba midda F.

Si kastaba ha ahaatee natiijadii ciyaarihii Isniinta ayaa ka dhigan in DR Congo ay ka soo baxday horinta A, iyaga oo dhanka kala horraynta goolasha ku badbaaday.

COMMENTS
LINKS