Xulka kubada cagta Uganda oo muran lacageed u joojiyey tababarkoodii | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xulka kubada cagta Uganda oo muran lacageed u joojiyey tababarkoodii
July 3, 2019 - Written by Reporter:

Ciyaaryahannada xulka Qaranka Uganda uga qayb-galaya Tartanka Koobka kubadda Cagta Afrika ee ka socda Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, ayaa diiday inay qaataan Tababbarkooda Salaasadii Shalay, ka dib muran ku saabsan Mushaharkooda, sida laga soo xigtay xidhiidhka kubadda Cagta ee Dalkaasi (FUFA).

Kani waa murankii u dambeeyay ee noociisa ah, balse waxa arrintan oo kale uga cabanayey Xulalka Dalalka Zimbabwe, Nigeria and Cameroon.

Xulka Uganda Uga Qayb-galaya Tartanka Kubadda Cagta Ee Afrika Oo Muran Lacageed U Joojiyey Tababarkoodii

Xidhiidhka Kubadda cagta Uganda ayaa sheegaya in Ciyaartoygu isku dayayaan inay dib u dhigaan heshiiska ay ku jiraan.

Xidhiidhka Kubadda cagta ayaa ku doodaya inuu jiray qorshe hore meel isula dhigay oo ku saabsanaa Mushaharaadka Ciyaartoyga, laakiin la doonayo in la hubiyo kharashaadka ay hore u qabeen “2-dii July 2019 Ciyaartoy walba wuxuu helay (la siiyey) $14,600, Maalina walbana wax bay qaataan iyo Abaal-marinaha la sugayo..” ayay qoraal ku sheegeen Xidhiidhka kubadda Cagta Uganda.

“Waxaanu rejaynaynaa in Ciyaartoygu ka noqon doonaan Go’aankooda (ay ku diideen inay Tababbarka qaataan)

COMMENTS
LINKS