DAAWO;-“Afraad Waxay Ahayd Unugii Ururka SNM”Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo La Layeeshay Prof Ibraahim Meecaad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-“Afraad Waxay Ahayd Unugii Ururka SNM”Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo La Layeeshay Prof Ibraahim Meecaad.
August 20, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo lala yeeshay Prof Ibraahim Maxamed Meecaad oo kamida aqoonyahan reer somalland ee ku dhaqan wakhtigan qurbaha ayaa kaga waramay dhacdooyin badan oo uu goob joog u ahaa mid aas aaskii SNM bilowgii  Jabhada ee Afaraad  oo iyadu markii danbe noqotay buddhigii SNM iyo dhismihii jamhuuriyada Somaliland.

Sidoo kale Prof Ibraahim ayaa waxaan Africa ka dhicin u tilmaamay tanaasulkii umada reer Somaliland ka qaateen dhismihii Somaliland iyo sidii loo saamaxay dadkii la socday maamulkii rajiibka ahaa ee siyaad bare oo xasuuq ba,an ka gaystay gayiga Somaliland.

Dhanka kale Prof Ibraahim meecaad ayaa iftiimiyay taariikho badan oo daaha la saaro ku duugan halganki SNM Iyo Doorkii Shacabka Reer Gabiley ku lahaayeen Aas Aaska Guutadii Afraad oo markii danbe saldhig unoqotay garabkii hubaysnaa ee SNM.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARAYSIGAN OO DHAMAYSTIRAN;

 

COMMENTS
LINKS